Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaalka Ka Socda Itoobiya Oo Sii Xoogaysanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dagaalka Itoobiya weli wuu sii xoogaysanayaa iyadoo uu Abiy Axmed hor kacayo mid ka mid ah furimaha sida adag la iskugu faro saaray.

Xukuumadda Addis waxay sheeganaysaa guulo ay ka gaadhay saddexda furimood ee dagaalka ugu adagi uu ka socdo hadda.

Waa furimaha Shaawa, Wereeylu, iyo furinta Gashena oo dhammaantood ay ciidamada Abiy Axmed guulo ka sheegteen.

Guud ahaan waa 14 deegaan inta ay sheegatay dawladda Itoobiya in ay saacadihii lasoo dhaafay ka qabsatay ciidamada ay dagaalamayaan oo iskugu jira kuwa TPLF iyo ciidamada Oromada oo iyagu Tigrayga uga dhawaa dhanka caasimadda.

Weli dhulka lagu dagaalamayaa waa deegaanada Amxaarada, lamana gaadhin dhanka Tigrayga.

Abiy Axmed wuxuu TPLF ku tilmaamay cadaw isagoo mar kale wacad ku maray in ay ka saari doonaan dhulka Amxaarada, isla markaana dhammaan burburin doonaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this