Deeq A. Posted November 30, 2021 Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ku magacdheer Boqor Buurmadow muddo yar ayuu ka noqday Muqdisho nin tusaale u noqon karay madaxdhaqameedka, marna uu tusaale u noqday ka fiirsasho la’aan heer dadka Muqdisho qaarkood isa su’aaleen in uu Buurmadow u yimid caasimadda ku digasho. Kulamadii uu la yeeshay beelaha Soomaaliyeed qaarkood waxaa ka muuqatay neceyb abuuris iyo aqoondarro qotodheer. Tusaale wuxuu aad u amaanay siyaasi Cumar Salaad, dhowr maalmood kaddibna wuxuu amaanay Al-shabaab oo 2017kii in ka badan 400 oo qof ku xasuuqday Zoppe Junction. Boqor Buurmadow wuu og yahay in Al-shabaab ay agoon ka dhigtay carruur aad u tiro-badan. Wuxuu ku faanay in Axmed Godane, hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, ay tolnimo wadaageen sidaas darteedna uu tacsi diray markii Maraykanku dilay Godane. Taas waxaa ka sii daran inuu Al-shabaab ku tilmaamay Dowlad Labaad oo Soomaaliya ka jirta. Argagixiso weyneyn: Buurmadow wuxuu damqay dareenka ehelada dadka Al-shabaab ay ku xasuuqday Muqdisho iyo meelo kale. Axmed Fiqi, Wasiir hore ee Galmudug, ayaa ugu baaqay Buurmadow inuu diyaariyo magta dadka Al-shabaab ay laysay. Yuusuf Garaad, Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay Buurmadow inuu ka noqdo hadallada uu ku weyneeyay Al-shabaab. Maanta Buurmadow wuxuu ku suntan yahay degdeg iyo xilkasnimo-darro. Afkiisa uun baa cadaw ku noqday. Sanadkii 2009kii Al-shabaab waxay Beledweyne ku xasuuqday in ka badan 70 qof oo meel ku shirayay. Dadka goobtaas ku nafwaayay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Amniga ee Soomaalia marxuum Cumar Xaashi. Afhayeenka Al-shabaab wuu taageeray xasuuqii Hotel Shaamow dhowr iyo toban sano ka hor. Waa wax laga xumaado in Buurmadow bixiyay wax aan raalligelin ahayn. Dadkii ka dhiidhiiyay taageeristiisa argagixisada ayuu ku tilmaamay dad hadalkiisa qalloociyay. Colaadda uu Buurmadow Muqdisho ka aloosayay ayaa carrabkiisa ku qaraxday. Ninkii ku faannayay inuu yahay Boqorka Geeska Afrika wuxuu ku dambeeyay inuu afkiisa eedo. Buurmadow wuu ogaaday in fagaare-ku-jab laga dhaxlo faan iyo hadal badan. W.Q. Daahir Cali Buuwe The post Boqor Buurmadow Afkiisa Uun Baa Cadaw Ku Noqday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites