Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma xiddiga sanadkan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or?

Recommended Posts

Deeq A.   
MESSI.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1

Xiddiga xulka Argentina iyo kooxda PSG, Lionel Messi ayaa markii todobaad( 7) ku guuleystay abaalmarinta (Ballon d’Or) ciyaartoyga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida sanadkan.

Messi ayaa abaamarintan ku garaacday weeraryahanka Bayern Munich, Robert Lewandowski iyo xiddiga kooxda Chelsea  Jorginho, wuxuuna noqday xiddiga ugu guuleysiga badan abaalmarinta Ballon d’Or.

Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku guuleystay kadib markii uu xulkiisa Argentina sanadkan ku hoggaamiyay Copa America.

Messi oo 34 jir ah ayaa abaalmarinta Ballon d’Or ku guuleystay sanadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2019 iyo sanadkan 2021.

PUNTLAND POST

The post Waa kuma xiddiga sanadkan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this