Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti Safiiro Ah Oo Soo Gaadhay Hargeysa Iyo Ujeedada Safarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wefti Safiiro ah oo  ka socda Waddamada Somaliland ka taageera Arrimaha Doorashooyinka  ayaa ka soo degay Madaarka Hargeysa Halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Debedda Somaliland.

Weftigan ayaa waxaa hoggaaminaysa safiirka Midowga yurub u fadhida Nairobi oo ay weheliso safiir ka socda dalka Sweden iyo dublamaasiyiin kale.

Waxaana madaarka cigaal kusoo dhaweeyay wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Ujeedada socdaalkan waftigan oo maalmo joogi doona Somaliland ayaa la sheegay inay tahay arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dhici doonta sannadka 2022-ka.

Mudada ay ku sugan yihiin caasimada hargaysa ayaa waxay kulamo layeelan doonaan madaxda ugu sarraysa xukuumada Somaliland iyo Ururada Bulshada rayidka ah, madaxda xisbiyadda mucaaridka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this