Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho ka dhalatay hadalkii Boqor Buurmadow oo Cirka isku shareertay+Siyaasi Weerar Afka ah ku qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadho ka dhalatay hadalkii Boqor Buurmadow oo Cirka isku shareertay

buurmadow-2.jpg

Mas’uul kamid ah maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow si loo soo xidhoo.

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ) ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay gudbiyeen dacwad ay ku codsanayaan in lagu soo xidho Buurmadoow.

“Gefkii ka soo yeedhay Buurmadow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo” ayuu yidhi Cali Yare.

cali-yare.png

ilaa iyo hadda ma kala cadda halka uu dacwadda ka furay Cali Yare.

Boqor Buurmadoow oo maalmahan booqasho ku marayay Muqdisho ayaa la arkayay isaga oo jeedinayo hadal uu ku sheegayo in ‘Shababka’ ay madax ka yihiin dowlad aanan lagu tartamin’

Dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo ugu baaqay Boqor Buurmadow in uu raaligelin ka bixiyo hadalka.

garaad.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this