Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay xilliga DP World bilaabayso dhismaha dekedda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in dhismaha dekedda Boosaaso la bilaabayo saddexda bilood ee ugu horraysa sannadka 2022.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino oo si kooban ula hadlay idaacadda Daljir ayaa warkaasi sheegay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkadda DP World ay bilaabayso dhismaha dekedda kadib markii laga wareejiyay P&O Ports.

P&O waa shirkad ka tirsan Compani-ga DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraatiga Carbeed.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli uu gudaha Baarlamanka Puntland ka socdo mooshin ka dhan ah DP World.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay xilliga DP World bilaabayso dhismaha dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this