Deeq A. Posted November 29, 2021 Madaxweyne Deni wuu ku awrkacsaday Midowga Murrashixiinta si uu saameyn ugu yeesho qodobbada heshiiskii doorashada. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa soo foodsaaray walaac ku saabsan doorashada Soomaaliya. Kaddib markuu ka xiriirfurtay Midowga Murashixiinta, Deni wuxuu u qalabqaatay si uu saameyn ugu yeelan lahaa xildhibaannada laga soo dooranayo seejooyinka Puntland. Madaxweyne Deni mid wuu ka qoomameeyay: ka fiirsasho la’aanta sida uu ugu xusulduubay awoodsiinta baarlamaannada maamul federaaleedyada si loo soo doorto senetarrada Aqalka Sare. Waa sababta Deni uga fogaaday raggii ay dhowr bilood ka hor Muqdisho dhufeys siyaasadeed kaga wada jireen si ay u wiiqaan awoodda siyaasadeed ee Madaxweynaha xilka haya. Hadda Deni wuxuu kala dooranayaa inuu taageero isbahaysiga Damuljadid iyo Aala Sheekh ama inuu taageero Madaxtooyada Soomaaliya. Wuu og yahay in Midowga Murashixiintu si dadban u dhalileen Puntland oo ay u arkaan inay murashixiinta ku awrkacsatay. Madaxweyne Deni weli ma shaacinin inuu u tartamayo Madaxtooyada Soomaaliya. Haddii qorshaha isaga iyo Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubaland, uu dhab yahay, ma muuqato sabab uu uga dhursago ama dib ula bahoobo Midowga Murrashixiinta oo doonayo inay si uun awoodda ugu soo noqdaan. Inuu nasiibkiisa ku eego doorashada ayaa Deni uga habboon inuu tol siyaasadeed la noqdo tartamayaal taageero badan aan haysan oo isku hallaynaya dib u abaabulista ciidammo beeleed. Xaalka Madaxweyne Deni waa: laba wada daran mid dooro. Yuusuf Fagan, Biyo Kulule, Boosaaso The post Deni iyo Doorashada: Laba Wada Daran Kala Dooro appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites