Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Maxay Ujeedada Safarka Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Soomaalida Itoobiya Ku Yimid Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa aynu ka warqabnaa in xaaladaha Gobolka Geeska Africa gaar ahaan dalka Ethiopia marayaan meel aan wanaagsanayn oo la galay aloos iyo olole dagaal oo uu dhexeeya huwanta xoogaga difaaca Tigray iyo Jabhada Oromo oo dhinac ah iyo dawlada Ethiopia ee uu hogaamiyo Abiy Ahmed Ali.

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada ay Ethiopia la leedahay xuduudaha ugu dhaadheer sidoo kale nabdoon oo aan wax dhibaato ahi ka jirin , waxaa Ethiopia iyo Somaliland ka dhexeeya xidhiidh ganacsi iyo isku socod oo taxan ilaa Dekedda Berbera oo ay mashaariicda ka socota Ethiopia wax ka ogeyd aadna u danaynaysay in Dekedda Berbera la horumariyo iyaga oo ka fekeraya baahida dadkooga.

Jamhuuriyada Somaliland iyo dawlada Ethiopia waxaa ka dhaxayn jiray xidhiidh diblomaasiyadeed oo heersare ah intii ka horeysay xukuumada uu hogaamiyo Abiy Ahmed , Ethiopia na waxa ay ahayd saaxiibada ugu dhow-dhow qadiyada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland walow ay sheegeen in aanay horseed ka noqon doonin in Somaliland la aqoonsado laakiin ay noqon doonaan dalka labaad ee aqoonsada.

SAFARKA MADAXWAYNE CAGJAR EE XILIGAN ;

Safarka uu madaxweynaha dawlad deegaanka Ethiopia ku yimid Jamhuuriyada Somaliland waxa uu u muuqdaa mid ujeedkiisu yahay xaaladaha hada ka taagan gobolka , sidoo kale waxa uu u muuqdaa mid uu fariin ka sido Raisal wasaaraha Ethiopia ee isagu galay jiida hore ee dagaalka waxaana aan u arkaa ;

1- Safar ujeedkiisa koowaad yahay nabadgelyada iyo xaaladaha gobolka ka taagan in laga wada hadlo.

2- Safar taageero loogu raadinayo xukuumada Abiy Ahmed oo faro madhan ka taagan taageerada beesha caalamka.

3- Safar aayo ka tashiga Soomaalida Ethiopia wax la iska weydiinayo hadii xaaladaha Ethiopia ka soo rayn waayaan ama uu burbur yimaado , maadaama ay jamhuuriyada Somaliland tahay walaalka ugu dhow dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia oo ay yihiin dad kaliya.

MAXAA SOMALILAND LA GUDBOON XILIGANI XAALADAHA ETHIOPIA AANAY WANAAGSANAYN ?

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadiisa waxaa la gudboon in ay aad uga taxadiraan talaabada diblomaasiyadeed iyo aragtidooda dagaalka Ethiopia dhexdeeda oo ay dawlada Ethiopia xulfi iyo taageero u raadinayso.

Waxaa xukuumada jamhuuriyada Somaliland iyo gadhwadeenka qaranka looga fadhiyaa in ay dan guuraan iyaga oo ku xisaabtamaya mustaqbalka iyo halka uu qarankani ay faaiido ugu jirto .

Ethiopia cidwaliba oo qabsata jamhuuriyada Somaliland ma kala maarmayaan , waxa ugu muhiimsan ee qaran ka taliyaa waa danaha dalkiisa iyo dal waliba halka uu kuu taagan yahay meel la mid ah in aad u istaagto.

Qadiyada dawlada soomaalida Ethiopia iyo mustaqbalkeegu waxa uu u yaallaa dadka soomaaliyeed ee Ethiopia, waxii talo wadaag iyo taageero ah waxa ay ku xidhnaan doontaa mustaqbalka Ethiopia halka uu ku dambeeyo iyo xiligeeda.

Arimaha nabadgelyada, adkaynta xuduudaha iyo in wax lagaga talogalo hadii qaxootiyo iyo barakac yimaadaa iyada oo lala kaashanayo beesha caalamka iyo hay’ada qaxootiga aduunka iyaduna waa lagama maarmaan.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this