Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Boosaaso maxaa ka socdo?

Recommended Posts

Baaqooda nabadeed mala dhageysan doonaa?

Cumar Cabdirashiid, Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo gaaray Garoowe si ay qeyb uga noqdaan dhamaynta khilaafka Puntland iyo PSF

20211225637760089922799868.jpg

Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynayaashii hore ee Puntand oo ay wehliyaan siyaasiyiin iyo Isimo ayaa gaaray magaalada Garoowe, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagusoo  afjarayo khilaafka ka dhex taagan Puntland iyo hay’adda PSF.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay nabad ku baaqay, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay heshiiska kasta oo xal lagaga gaarayo colaadda ka dhalatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay agaasimihii PSF.

Wafdigaan ayaa kulan kooban madaxtooyada kula qaatay madaxweyne Deni iyo guddoonka golaha barlamaanka Puntland, waxayna maalmaha soo socda tegidoonaan magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan saraakiisha PSF.

Kadib hadalkii madaxweyne Deni uu xalay ka jeediyay magaalada Garowe, waxaa maanta magaalada Boosaaso dib ugu laabtay boqolaal qoys oo horey uga barakacay colaadda Boosaaso, kuwaas oo u badnaa qoysas danyar ah.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadin iyo soo dhowayn ku helay go’aaanka nabadeed ee uu qaatay, inkastoo dadka dhaliila ay sheegeen in loo baahnaa in go’aankaas colaadda ka hor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax miino oo lagu weeraray Kolonyo galbineysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni

Kolonyo ciiddan oo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weeraray Qarax miino, iyagoo sii galayay magaalada Boosaaso.

Qaraxan oo ahaa mid horey loosii diyaariyay ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxan, tiro kaloo intaas ka badan ayaa ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa kadib rasaas furay ciidanka, lamase oga khasaaraha ka dhashay.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Deni qarax lagu weeraro, waxaana arrintaas ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amniga ay sii xumaanayso.

Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo sheegatay qaraxii lala eegtay kolonyo ciiddan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso.

War kooban oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay, in beegsigooda uu ahaa madaxweynaha Puntland, balse uu ka badbaaday weerarkaas, waxayna sheegeen inay ku dileen askar kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni.

Qaraxa Boosaaso ka dhacay ayaa kusoo aaday xilli ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ay magaalada ku suganyihiin siyaasiyiin doonaya in xildhibaanno loo doorto.

Qaraxa maanta ka dhacay Bosaso oo ahaa mid lagusii qariyay laamiga dhinaciisa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland.

Ugu yaraan labo askari oo lagu kala magacaabo, Fanax iyo Maxamed Dheere, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, afar kalena ku dhaawacmeen.

Laamaha amniga ayaa ku guul daraystay in ay wax ka qabtaan qaraxyada Boosaaso kusii kordhaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hard to swallow that the road side explosion is the work of Alshabab. 

This is a politically motivated explosion. 

One thing is becoming very clear, Deni is losing control of the security of his region. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sadex sano ka dib, it is back again.

Cabsi ka jirta Boosaaso kadib amar ka soo baxay ciidamada PSF

 

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland waxaa ka jira dareen la xiriira dhinaca nabadgelyada kadib markii ciidamada PSF ay soo saareen digniin ay diyaaradaha isticmaala garoonka magaalada ugu sheegeen inaysan isticmaalin garoonkaas.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu jiray khilaaf muddo soo jiitamyey oo u dhexeeyey maamulka Puntland iyo hoggaanka ciidanka PSF.

Shacabka ku nool magaalada Boosaaso ayaa walaac xoog leh ka muujinya tallaabooyinka dhallin kara xasilooni darada.

Weriyaha VOA Faaduma Yaasin Jaamac ayaa warbixintan soo dirtay.

Idaacadda Codka Mareykanka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Warfaafinta Puntland: Boosaaso ma noqon karto meel ay labo dowladood ka taliyaan

Axad, Siteembar, 15, 2024 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aysan magaalada Boosaaso ka jiri karin labo dowladdood oo isbarbar socda.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmo ka hor ciidanka PSF (Puntland Security Force) ay magaalada Boosaaso ku soo rogeen xaalad amni, iyagoo joojiyay duulimaadyadii kasoo dagi jiray garoonka diyaaradaha Boosaaso, dadkana ku amray inay ka aagga garoonka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri, “Yaan loo gafin dowladnimada. Puntland iyadaa mandate u haysta inay maamusho Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciddii wax tabanayso hasoo marto dariiqada sharciga ah.”

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aaday xilli uu garoonka diyaaradaha Boosaaso xiran yahay maalintii afaraad, kadib markii ciidanka PSF ay digniin u jeediyeen duulimaadyada kasoo dega garoonka Boosaaso.

PSF ayaa ka carootay markii sida ay sheegeen garoonka Boosaaso laga celiyay askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidankooda, kuwaas oo ay doonayeen in loo qaado magaalada Muqdisho si loogusoo daweeyo.

PSF, oo ah ciidan taageero ka hela Maraykanka, ayaa waxaa aasaasay oo maamula qoyska Ilmo Cismaan Diyaano.

Aabahood Cismaan Diyaano wuxuu ahaa taliyihii hore ee ciidanka PSF. Ciidankan waxay is hayaan ciidanka mariiniska Puntland ee loo yaqaano PMPF, oo ah ciidan uu maamulo sarkaal qoys hoosaad la ah madaxweyne Deni.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

Let us see if Deni learnt from his past mistakes, and resolves the issue with ilma Diyano peacefully. Flights back to normal schedule.

Ethiopia Airline flight at Bosaso.

https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1835688642804637934

 

DAALLO AIRLINES RESUMES BOSSASO FLIGHTS AFTER YESTERDAY'S DISRUPTION BY FGS MINISTRY OF CIVIL AVIATION ALLEGING INSECURITY

GXmV48PXQAAHlM5?format=jpg&name=small

... Duullimaadka shirkadda Daallo oo maanta ka degtay garoonka Bossaso. Shirkadda duullimaadada diyaaradaha ee Daallo ayaa maanta oo Isniin ah ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bossaso kaddib maalmo shaki amni ah oo garoonkaasi soo wajahday. Duullimaadkaasi maanta ayaa ka soo kicitimay iskutagga imaaraadka Carabta, marinkiisa kalana uu yahay Muqdisho iyo Nairobi, waxaana ay qaadday rakaabkii labadasi magaalo ah oo ka dibdhacay xilligoodii dhoof. Xalay ayay ahayd markii Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Garoomada Puntland ay soosaartay warsaxaafadeed la xiriira amniga garoonka, kaasoo wasaaraddu meesha kaga saaraysay jiritaanka wax shaki amni ah oo quseeya garoonka diyaaraha ee Bossaso. Maalmo kahor ayay ahayd markii ciidamada gaarka ah ee PSF soosaareen war qoraalah oo digniin siinayey duullimaadada, arrinkaasi oo dabajooga khilaaf u dhaxeeyey maamulka Puntland iyo madaxda ciidankaasi. Diiwaanka Wararka | Warbaahinta Daljir

https://twitter.com/radiodaljir/status/1835665799651995916

GXiZ662XcAAFa2B?format=jpg&name=900x900

 

---------------------------------------

PSF abandoning ilma Diyana.

GXmDVBZXcAAQhCc?format=jpg&name=medium

Tirada rasmiga ah Ciidanka kasoo baxay Xerada Ilmo Diyaano ee kusoo biiray Ciidamadii hore ee PSF oo haatan lagu daray Ciidanka Badda,waa 214-Askari. Tirada Guud ee Ciidanka PSF,waxay ahaan jirtay 400-600 oo Askari. 85-Askari,waxaa lagu qiyaasay Askarta firxatay ee kala tagtay. 95-Askari horay,waxay ugu soo gashay Dowlada oo waa Ciidankii lagu abuuray PISF,haatana loo wareejiyay Ciidanka Badda. Marka lagu daro tirada soo xarootay Labadii Maalmood ee udanbeeyay,waxaa la qiyaasi karaa in Gacanta Ilmo Diyaano ay ku harsan yihiin Lixdameeyo Ciidankii hore. Waxaa xusid mudan in Ciidanka hada soo xarooday ay ubadan yihiin xirfadlayaashii Hoobiyayaasha,Gaandhariyada iyo Farsamayaqaanada. Sida ay iisheegeen Saraakiisha Ciidamada,waxaa toos loogu darayaa Ciidanka Badda,iyadoo isla Shalayba la siiyay Mushahaarkoodii oo Askari walba uu qaatay $400 .

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

Not only macangag, but the worse sort (ciyaal reer Xamar), who refuses to negotiate, or let others attempt conflict resolution methods, but comes to his senses, and to the table with a bloody nose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.