Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Tuuryare oo sheegay in ay Muqdisho ka wadaan abaabul ciidan oo lagu hor istaagayo doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya ee NISA Gen. Cabdiraxmaan Tuuryare, oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa ka hadlay boob uu sheegay in lagu hayo doorashada kuraasta Aqalka hoose ee Baarlamanka.

Gen. Tuuryare, ayaa sheegay in boobka socda ay iska kaashadeen Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada ay dhistay, islamarkaana ay tahay mid aan la aqbali karin oo u baahan in dalka laga badbaadiyo.

Mudane Tuuryare, oo kamid ah dadka raadiyay kuraasta Baarlamanka, balse waayay ayaa sheegay in isaga iyo rag kale wadaan abaabul xooggan oo dalka looga badbaadinayo boobka doorashada golaha shacabka.

Sidoo kale, wuxu sheegay in arrintaas ay kula jiraan saraakiil ciidan oo ku midaysan magaca badbaado Qaran, si tallaabo ciidan loogu wajaho xaaladda taagan.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Midowga Murashixiinta Muqdisho ay gebi ahaanba qaaddaceen doorashada golaha shacabka, oo ay ku tilmaameen mid boob iyo ku-shubasho ku socota.

PUNTLAND POST

The post Gen. Tuuryare oo sheegay in ay Muqdisho ka wadaan abaabul ciidan oo lagu hor istaagayo doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this