Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaal ka hadlay xubin ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo Garoowe ku xiran

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdiraxmaan.jpg?resize=864%2C864&ssl=1

Qaar kamid ah Odayaasha degmada Dangoroyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay Xariga Cabdiraxmaan Axmed Siciid oo lagu xiray Garoowe.

Cabdiraxmaan oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye ayaa maalin ka hor lagu xiray saldhiga Galbeed ee magaalada Garoowe.

Odayaasha ayaa sheegay in Qoyska Cabdiraxmaan loo diiday in ay xabsiga ku booqdaan waxaana ay tilmaameen in aysan ka war-qabin xaaladda uu ku suganyahay.

Dowladda ayay sidoo kale ka dalbadeen in ay  xorriyaddiisa u celiso muwaaddinkaas ama maxkamad hor-geyso haddii ay jirto eedayn lagu haysto.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Odayaal ka hadlay xubin ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo Garoowe ku xiran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this