Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wadahadleen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16381030099883397.jpg?resize=720%

Ra’iisul Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaas oo la sheegay in looga hadlay daahfurnaanta hannaanka doorashada dalka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharaxiinta oo ay ka wadahadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka”.

Sidoo kale Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo ka qayb galay kulanka ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ku yiri “Waxaan maanta kulan la yeelanay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo aan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka ee sida dastuurka iyo habraacyadi lagu heshiiyey baal marsan ku socda”.

Midowga Musharaxiinta ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in boob lagu hayo kuraastaa Golaha Shacabka, iyaga oo qaadacay sida ay u socdaan doorashooyinka, isla markaana dalbaday in doorashadu noqoto mid daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wadahadleen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this