Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiya Xilli Ciidamada Dowladda Ay Sheeganayaan Inay Deegaano Ka Qabsadeen TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horreesay kasoo muuqday warbaahinta maxaliga ee dalkaas tan iyo markii uu ku dhawaaqay in furimaha dagaalka ka hogaamin doono ciidankiisa oo guluf kula jira falaagada Tigreega ee TPLF iyo isbahaysigooda.

Dowladiisa ayaa shalay shaaca ka qaadday tallaabooyin lagu xaddidaya tebinta wararka colaadda xilli lagu soo waramaya in Tigreega ay ku sii dhaw yihiin magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi Itoobiya.

Faahfaahinta wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga TPLF waxaa Jigjiga ka soo diray wariye Ismaaciil Buurgaabo.

Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeyay ee muwaadiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada sokeeye ee dalka ka dhacaya.

Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhawaan soo saaray tallooyin ay u jeedinayaan muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi oo ku aaddan inay dalkaa isaga baxaan. Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqqalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this