Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday lacag loogu deeqay wax ka qabashada Abaaraha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay hal Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Golaha Wasiirrada mushaarkooda laga jarayo bil walba inta abaartu jirto %20, si loogu kabo gurmadka, isagoo ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo istaago gacan qabashada walaalaha la tabaalaysan abaarta.

96B804D3-C5E1-4E30-A508-2038105679E8.jpe F5D735CF-684B-42AE-B98D-9338F3C4CD9C.jpe 58DCC2AA-CCDB-4E28-ACCE-130FF1E88A3B.jpe 3BAF731B-6A7B-4189-BEFA-61A5F4DADD21.jpe 4BCE9034-5158-463B-A472-D0E6C9002BEC.jpe

The post Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday lacag loogu deeqay wax ka qabashada Abaaraha. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this