Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ka hor yimid go’aankii kasoo baxay guddiga  doorashada FEIT

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in doorashada Afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka la qaban doono Maalinta Berri ah.

Kuraasta lagu dhawaaqay in berri la dooranayo ayaa kala ah:

1)  HOP103

2) HOP189

3) HOP041

4) HOP042

Guddiga doorashada ayaa liiska kuraasta Berri la dooranayo kusoo daray HOP103 oo ah kursiga uu ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari kaasoo uu hakiyey doorashadiisa guddiga  doorashada FEIT.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Koofur Galbeed ee SEIT Yuusuf C/qaadir Baafo ayaa sheegay in guddiga FEIT aanu xaq u laheyn inuu joojiyo doorashada kursiga HOP103.

Waxaa uu sheegay  in Guddoomiyaha FEIT wax sharciyad u heysan ee uu kursigaas ku joojiyo, waxaana uu caddeeyay in kursigaas doorashadiisa maainta berri ay qaban doonaan.

Waxaa uu sheegay in aysan qaadan doonin awaamiirka Guddiga doorashooyinka heer Federaal, islamarkaana ay leeyihiin doorashada, taasoo meesha ka saaraysa guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in cabasho ay ka timid Jawaari, taas oo la xiriirta habraaca loo maray diiwaan-gelinta kursigaasi.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in shir ay ka yeesheen arrintan, kadibna la’isku raacay in la hakiyo doorashada kursigan, illaa iyo inta laga xalinayo tabashada ka jira.

Guddiga ayaa sidoo kale faray guddiga doorashada Koonfur Galbeed inuu dhaqan-geliyo go’aankan, isla-markaana uu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP#103.

Tan ayaa bilow u ah khilaafka maamulka doorashada ee ka dhex bilaaban doonta Guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

261747088_4506309496091213_3391593594036

The post Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ka hor yimid go’aankii kasoo baxay guddiga  doorashada FEIT appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this