Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarigga Weriyaasha Puntland!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha Amniga Puntland ayaa Caawa xabsiga dhigtay suxufi Maxamuud Cabdirisaaq Fantaastik oo kamid ah weriyaasha ka hawlgala magaalada Qardho.

Maxamuud Fantaastik ayaa noqday suxufigii 11-aad oo Puntland lagu xiro tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

13 July 2019: Booliiska Garoowe ayaa xabsiga dhigay suxufi madax-bannaan Maxamed Siciid Yuusuf (Boqorka), kaas oo war ka duubay nabaddoon dowladda dhaliilay, waxaana la sii daayay 14 maalmood kadib markii wax danbi ah lagu waayay.

17 October 2019: Booliiska Garoowe ayaa xiray suxufi  Axmed Sheikh Maxamed Tallman oo ka tirsanaa Radio Daljir, kadib markii dowladdu dhibsatay war ka baxay idaacadda Daljir. Suxuf Tallman lix maalmood kadib ayaa la sii daayay, kadib markii uu raalli-gelin ka bixiyay warkaas.

5 February 2020: Booliiska Garoowe ayaa xabsiga dhigay suxufi Cumar Maxamed Soomane, kadib markii uu idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ka sii daayay warar Puntland ka caraysiiyay. Hal habeen ayuu ku xirnaa Garoowe kadibna waa la sii daayay.

25 Agoosto 2020: Ciidanka PSF ee Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi madax-bannaan Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudayfi), waxaana la sii daayay  saddex maalmood kadib, inkastoo aan la shaacin qaladka lagu haystay.

6 September 2020: waxaa Garoowe lagu xiray laba weriye Khadar Cawl Ismaaciil iyo Cabdiqani Axmed Maxamed, waxaana laba maalmood kadib laga sii daayay xabsiga weyn ee Garoowe.

26 December 2020: Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa xirtay weriye Kilwe Aaden Faarax oo eedaymo kala duwan loo jeediyay, islamarkaana laba jeer la xukumay, balse la sii daayay 22 March 2021 kadib markii madaxweyne Deni Cafis u fidiyay.

11 January 2021: Ciidanka PMPF ee Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi Maxamed Cabdi Lakiman oo ka tirsan Radio Daljir, kadib markii uu qoray war la xiriira ciidanka, inkastoo la sii daayay lix saacadood kadib.

22 February 2021: Ciidanka madaxtooyada Puntland ayaa Boosaaso ku xiray suxufi Axmed Bootaan, saacado uun kadib markii uu shacab Boosaso ka duubay Ra’yi uruurin ku saabsan khudbad madaxweyne Deni jeediyay, waxaase la sii daayay maalintii xigtay..

25 February 2021: Booliiska Garoowe ayaa xabsiga u taxaabay weiye Cabdifitaax Cabdullaahi Faarax (Dalla’aan) oo isna shacabka Garoowe ka uruuriyay ra’yi ku saabsan khudbaddii madaxweyne Deni kaga hadlay xaaladda dalka. Cabdifitaax waxa la sii daayay kadib 2 saacadood oo uu xabsiga ku jiray.

PUNTLAND POST

The post Xarigga Weriyaasha Puntland!! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this