Deeq A. Posted November 26, 2021 Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland, S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka codsaday Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano in uu xilka wareejiyo. Ge. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa sheegay in Ciidanka PSF aysan ahayn kuwa qof leeyahay, balse ay yihiin ciidan dowladeed, sidaas darteedna loo baahanyahay in uu xilka wareejiyo. Taliyaha ayaa tilmaamay in aysan Boosaaso u baahnayn colaad iyo xiisad dagaal, islamarkaana aysan dowladdu diyaar u ahayn arrintaas haddii aan laga fursan waayin. Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa isna sheegay in ay Boosaaso u yimaadeen xil wareejinta PSF, taasina aysan weli suurta-gelin. Wasiir Gallan ayaa ku amray ciidanka PSF in aysan ka amar-qaadan Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay, sidoo kalena aysan ka soo bixin xeradooda, inta laga xallinayo muranka taagan. PUNTLAND POST The post Puntland oo amar-duldhigtay Ciidanka PSF appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites