Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne oo dil lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne oo dil lagu xukumay

Jenaraal Khaliifa Xaftar
Jenaraal Khaliifa Xaftar

Maxkamad Milatari oo ku taalla magaalada Misrata ee dalka Liibiya ayaa soo saartay xukun dil ah oo ka dhan ah taliyaha saldhiga bariga dalkaasi ee Jenaraal Khaliifa Xaftar, kaas oo loo haysto duqeyn ka dhacday xaruuntavciidamada cirka ee magaaladaas laba sano ka hor. Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaana ku dhintay duqeyntaasi. Xukunka ayaa lagu riday jenaraal Xaftar isaga oo maqan.

Horaantii bishaan Jenaral Xaftar ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa doorashada madaxtinimo ee qabsoomaysa sida qorshu yahay bisha December ee nagu soo aaddan. Balse maxkamada ayaa sheegtay in xukunkaasi uu joojin karo musharaxnimadiisa. Shalay guddiga doorashada Liibiya ayaa diiday musharaxnimada Saif al-Qadaafi, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii la afgembiyay ee Mucamar Al-Qadaafi, sababtoo ah waxaa doon-doonaysa maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka ee ICC oo sheegtay inuu galay dambiyo dagaal.

Warbaahinta gudaha dalka Liibiya ayaa baahisay in maxakamaddu booliska ku boorrisay inay fuliyaan xukunka la riday iyadoo la raacayo shuruucda.Faahfaahin intaa dheer lagama bixin warkaan ku saabsan xukunka maxakamddu ku ridday generaalka woodda badan ee saldhigiisu yahay bariga dalka Liibiya.

Haddaba waa kuma Xaftar?

Janaraal Xaftar
Janaraal Xaftar

Janaraal Khaliifa Xaftar oo qayb ka ahaa siyaasadda Liibiya muddo ka badan afartan sanno ayaa wuxuu noqday nin ay warbaahinta caalamka aad u hadal hayeen bilihii la soo dhaafay.Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii.

Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii.

Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliidda ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iyadoo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saaxiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk

Jabhadnimada Xaftar

Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Xaftar u dallacsiiyay garaadada ciidanka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii.

Ciidammada Chad oo garab ka helaya Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Xaftar iyo 300 oo askari oo uu hogaaminayay sanadkii 1987-kii, hasa yeeshee Qadaafi ayaa sheegay in ciidammadiisu aysan ku sugneyn dalka Chad oo waxaa uu inkiray in Xaftar uu yahay sarkaal u dhashay dalkiisa.

Arrintan ayaa horseedday in Xaftar uu billaabo dagaal socday 20 sano oo uu ku doonayay inuu Qadaafi xukunka uga tuuro.Wuxuu howlgalkiisa waday isagoo qaab magangalyo siyaasadeed ah ku jooga gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Waxaa lagu tuhmi jiray inuu xiriir dhow la lahaa sirdoonka Mareykanka, ayna marar badan ku caawiyaan in kooxdiisa ay isku dayaan khaarajinka Qadaafi.

Dib usoo noqoshada Haftar

Mr Xaftar
.

Ka dib markii uu billowday kacdoonkii looga soo horjeeday Qadaafi sanadkii 2011-kii, Xaftar wuxuu ku laabtay Liibiya halkaas oo uu noqday taliye muhiim ah oo ka mid ah xoogagga mucaaradka ah ee kacdoonka ka waday dhanka bari ee dalkaasi.

Markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, Janaraal Xaftar kama uusan soo muuqan shaashadaha tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, markaas oo uu qorshihiisa ka sheegay warbaahinta, si uu qaranka u badbaadiyo, wuxuuna ugu baaqay dadka Liibiya inay kasoo horjeestaan baarlamaanka la doortay, Congress-ka Guud ee Qaranka (GNC), kaas oo weli aysan muddadu u dhammaan.

Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli markaas magaalada labaad ee ugu weyn Liibiya, ee Benghazi iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ay saameeyeen la wareegiddii ay la wareegeen kooxda Al-Qaacidada xiriirka la leh, ee Ansar Al-Sharia.

Waxaa soo baxay kooxo kale oo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sameeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo milatariga, booliiska iyo shaqaale kale oo dowladeed.

 

Inkastoo Xaftar uusan xilligaas lahayn awood uu qorshihiisa ku hirgeliyo, hadana hadaladiisa ayaa dhaliyay caro, gaar ahaan magaalada Benghazi oo dadkii ku noolaa ay ka xumaadeen sidii ay GNC iyo dowladeedaba ugu guul darreysteen in ay la dagaallamaan Islaamiyiinta.

Wixii hadda ka horeeyay caannimada Janaraal Khaliifa Xaftar ma dhaafsiisaneyn Libya, inkastoo xiriir hore uu la lahaa Qadaafi iyo Mareykanka, balse hadda oo Liibiya doorasho ka dhacayso lama garanayo sida uu uga falcelin doono xukunka maxakamddu soo saartay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this