Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Kaabsan Group Oo  Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Marxuum Ganacsade Maxamed Alloore Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Anniga oo magacaygu yahay Cabdiwahaab Xaaji Cali Axmed ahna guddoomiye ku-xigeenka Kaabsan Group waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ganacsade Maxamed Yuusuf ALLOORE oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Mar Kale aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan shirkadda Kaabsan Group waxa tacsi tiiraanyo gaadhsiinayaa qoyska uu ka baxay marxuun Ganacsade Maxamed Yuusuf ALLOORE oo ka mid ahaa aasaasayaashii shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom.

Waxaan marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this