Deeq A. Posted November 25, 2021 SONYO iilka yaa dhigay ? …..Mohamed Sidik – Dhamme Dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxay ku jirtaa xaaladdi ugu liidatay taariikhda intay aasaasneyd, dalladdu waxay ka koobantahay 53 urur iyo 3 Jaamacadood, ururada ku jira SONYO jiritaan ahaan iyo shaqo ahaanba way sii baaba’yaan, Miisaaniyadda qaranka waxa ugu jira 300 Milyan SHSL sannadkii, lacagtaasii waata fadhiidka ka dhigtay shaqada dallada iyo masuuliyaddi ahayd isla xisaabtanka (Accountability) Muddo xileedka hoggaanka sare (National Council) waxay xilka hayaan 23 bilood waxa u hadhay 13 bilood xilkooda, muddada waxay heleen 2 mashruuc oo keliya, waxa meesha ka baxday kalsoonidii (Trust) ay ku qabeen haayadihii siin jiray mashaariicda, Haayaddo dhawr ahi waxay geliyeen SONYO liiska madaw ( Black list) oo ay ka mid tahay haayadda (Oxfam) si loo badbaadiyo jiritaa ahaan iyo dallad ahaanba waxay u baahantahay SONYO talo qaran oo lexejeclo madaama ay tahay hanti qaran oo dhallinyarada Somaliland leedahay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites