Sign in to follow this  
Deeq A.

ROOBLE oo war kasoo saaray qarixii ka dhacay wadada Cabdiqaasim

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay weerarkii is-maaminta ahaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa marka hore si adag u cambaareey qaraxan oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ay arday ku jiraan, kuwaas oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay,

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.

Ugu dambeyn wuxuu u duceeyey dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaasi,  isaga oo kuwa dhaawac ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo,” ayuu markale qoraalkan ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Bartilmaameedka weerarkan ayaa ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security oo xilligaas marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari.

The post ROOBLE oo war kasoo saaray qarixii ka dhacay wadada Cabdiqaasim appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this