Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Buurmadow oo tegay Baydhabo, kana dhabeeyey go’aankiisii + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland|) ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Boqor Buurmadow oo markii uu yimid magaalada Muqdisho ballan qaaday inuu tegayo magaalada Baydhabo ayaa ka dhabeeyey go’aankiisii hore, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo xubnaha la socda ay ka mid yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada waqooyi maanta ku qaabilay xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadleen raafkii ay dhowaan Somaliland ku sameysay qoysas badan oo ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi, taas oo laga dhexlay dhibaato aad weyn oo lasoo daristay dadkii laga soo barakiciyey gudaha magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa waxgaradka Koonfur Galbeed, iyada oo Boqor Buurmadow iyo wafdigiisa ay u muujiyeen Koonfur Galbeed, sida ay uga xun yihiin dhacdadaasi, waxayna sheegeen inay ka raali gelinayaan arintaas oo ugu mihiimsan waxa ay u tageen Baydhabo.

Sidoo kale waxa ay ballan qaadeen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan caawinaada loo fidinayo qoysaska ay saameeyeen howl-galladii ay fuliyeen ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa cambaareyn xoog-leh kala kulantay falkii ay kula dhaq-dhaqaaqday qoysaska ka soo jeeda koonfurta ee laga soo barakicyey halkaasi.

261036642_919684835334821_62121494798790 257335168_919684655334839_82641482510439 259380006_919684415334863_67161811829593 259624380_919684328668205_33196388507162 259819366_919684508668187_70603706803661 260504298_919684215334883_50695428999233

The post Boqor Buurmadow oo tegay Baydhabo, kana dhabeeyey go’aankiisii + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this