Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaasiin Farey oo Kusoo Baxay Kursi Muran Badan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Yaasiin Cabdullahi Fareey, agaasimaha uu Farmaajo u magacaabay ee NISA ayaa goordhow noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

HOP067 sida loo maareeyey waxaa cabasho ka keenay musharaxiin badan oo loo diiday kursiga, iyaga oo sheegay in ergo looga dhigay askar.

Murashaxiinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa kahor yihin sida maamulka Galmudug u maareeyey kursiga iyaga oo ku dooday in kursiga loo xoogay Farey.

Tartan la sheegay inuu ka dhacay Dhuusamareeb ayaa  Yaasiin Cabdilaahi Farey ayaa waxaa uu helay Codadkii ugu badnaa oo ah 68 cod halka musharaxii la tartamayey Maxamed Cali Culusoow oo isna helay 20 cod.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this