Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta Khasaaraha qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qarax culus oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifitaax Aaden Xasan oo ka hadlay qaraxaas ayaa sheegay in ay ku dhinyeen 8 ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen 17 qof oo kale.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey.

Qaraxan ayaa waxaa uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo qaraxuna uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim ee dehmada Hodan.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta Khasaaraha qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this