Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta Oo 10 Bilyan Oo Dollar Ku Maal-gashanaya Turkiga Iyo Nuxurka Heshiis Ay Galeen Kadib Sannado Loolan Iyo Xifaaltan Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)- Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxeexday heshiis ku kacaya balaayiin doollar, oo ay qeyb ka yihiin taknoolajiyadda iyo tamarta kadib sannado ay xiisad siyaasadeed ka dhaxeysay labada dal.

Heshiiska ayaa lagu saxeexay magaalada Ankara kadib wada-hadallo ay yeesheen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Booqashada Sheikh Mohammed ee Ankara, oo aheyd tii ugu horreysay muddo toban sanno ah, ayaa timid ayada oo labada dal ay ka shaqeynayaan inay hagaajiyaan xidhiidhkooda, xilli ay jirto xasarad lacag oo ka taagan Turkiga, ayada oo qiimaha lacagta Lira ay hoos u dhacday.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxeexday shirkadda horumarinta ee Abu Dhabi Development Holding (ADQ) iyo sanduuqa dhaqaalaha Turkiga ee Turkish Wealth Fund (TVF) iyo sidoo kale xafiiska maal-gashiga ee madaxweynaha Turkey.

Heshiisyada ayaa astaan u ah in labada dal ay u jiheysteen iskaashi kadib sannado ay ku dagaalamayeen saameynta gobolka tan iyo markii uu kacdoonkii gu’ga Carabta qarxay toban sanno kahor.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu wada-hadallo midho-dhal ah, oo ku aadan xoojinta xidhiidhka labada dal, la yeeshay Erdogan.

“Waxaan sugayaa inaan sahmino fursado iskaashi oo cusub oo u faa’iideeya labadeena dal, islamarkaana horumariya hadafyadeena horumarineed,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay twitter.

Heshiiska labada dal ayaa ku kacaya 10 bilyan oo dollar oo Imaaraadka ay maal-gasho uga sameynayaan Turkiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this