Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaadka Puntland Oo Dhaqdhaqaaq Ka Sameeyey Deegaano Bariga Sanaag Ah Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Heegan La Galiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hadaaftimo)-Maleeshiyaadka Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Ountland ayaa shalay illaa dorraad la arkayay iyaga oo bilaabay dhaqdhaqaaq ujeedadiisa ay ku sheegeen waftiyo kala duwan oo xukuumadda Somaliland ah oo maalmihii ugu dambeeyey gaalaa bixinayay Gobolka Sanaag gaar ahaan dhinciisa Bari. 

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaaintu ka helayso deegaanka Yube ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaankaas dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ay ka bilaabmeen kadib markii heegan buuxa la galiyey ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaamadaasi iyada oo xogta lagu helay dhaqdhaqaaqyo ay sameeyeen maleeshiyaadka Maamul Goboleedka Puntland ee ku sugen deegaamo ka mid ah cidhifka fog ee Sanaag Bari.

Warbaahinta Maamul Goboleedka Puntland ayaa shalay baahiyey warar la xidhiidha dhaq-dhaqaaq ay sheegeen in ciidanka Somaliland uu halkaasi ka sameeyey isaga oo ku wajahan dhinaca magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaa gee Somaliland, xili ay halkaas meel u dhow fadhiisimo dhawaan ka samaysteen maleeshiyaad ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

Ciidamada qaranka Somaliland oo horeba u sheegay in ay sugayaan xuduudda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sannadihii ugu dambeeyey isku fidinayay saldhigyo waaweynna ka samaystay Bariga Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaase marar badan carqalad keena maleeshiyadka deegaankan ku soo xad-gudba ee Puntland oo sheegta in ay hayb ahaan deegaankaasi iyaga u hoos tago iyaga oo iska indho mariya xuduudda caalamiga ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaamada Sanaag Bari ee Somaliland waxa ay intaasi ku darayaan in Maleeshiyaadka Puntland ay laftigoodu wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, waxaana deegaanadaas laga dareemayaa cabsi weyn oo soo food saartay dadka ku nool kadib markii ay Puntland ku doodeen in ay ka hor tagayaan waftiyada ka socda Xukuumadda Somaliland ee deegaamaddaasi taga balse shacabka ayaa ku baaqaya in aanay Puntland carqaladayn nabadda ay dhulkani haystaan. Xubnaha deegaamadaasi u dhashay eek a tirsan maamulka Puntland ayaa eedo u soo jeediya mar walba masuuliyiinta Somaliland ee taga dhulkan Somaliland ka tirsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this