Pujah. Posted June 18, 2002 lool @ MAANDEEQ how did I forget you girl ofcourse I come to see you and your minyaro Kamila perform also Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamila Posted June 18, 2002 Loooooool Indhodeeq Minyaro aa maya dheh minwayneeyda sis..lol iyaa u didn't come for us in here girl u said Jamaal and cartan lol But anyways thnx sister girl and wlc to this side, Maandeeq thnxx macaanto _______________________Kamila Dhagdheer dhimatee dhulkii nabadee, Quote Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted June 18, 2002 Sallaan Kal iyo Laab ah marka hore, waanna tan Heestii oo aan halkii innooga sii socota.. ~ QAYBTII 3AAD ~ Qaayo waxa leh wiilkii Qabuulkaaga hella ee Ubax kugu qaraqa ee Aroos kuu qotomiyee Quruufka iyo geeliyo Allabari qalaayoo Culimadu quraankiyo Qayr kuu baryaanoo Qoys aad unoqotoo Qaasin iyo Qamar iyo Ubad aad uqaadoo Qasar aad uweyn iyo Qalcad kuu bineeyoo Bada qoorigeediyo Webiyada qarkoodiyo Dalxiis aad laqabatoo Qaaciga macaaniyo Kuu tuma qaraamiga **** ^^^ ^^^ **** Gabadhaanse qiimiyo Qaayo kale lahaynee Ummadana qaderineyn Quruxdeeda laga roon Intaan qawlku iga dhicin Qisadaada ii sheeg Qunyar hadalka ii dhiib. Miyaad qaylo badan tahay? Qaxar miyaad taqaanaa? Qiyaanada Haweenkiyo Qidad miyaad ciyaartaa? Mise qaari-baad tahay? Loo dhigay qur'aankoo Waalidkeed qaderrisoo Qawlkii Illaah garan.. Waa socotaa... ....SCS. ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! NABAD IYO CAANO YAA HELLA CAMAL WANNAAGGOODA... Quote Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted June 18, 2002 Indhadeeq,thanks and Wlcm... But how about other friends? don't u like th..e..m ...lool, get them to know how eminence thy're here Anyway.Let me take into account that u were in the other sections of the forummmmm. Kamila, waxbaa ka dhacay waayo waayo ayaa xussuusteyda ku soo noqnoqota markii aan hallacsado Maahmaayadeena macaanka iyo murtida badan. It reminds me how brilliant our intellectual ancestors were, oo Mahmaahbaa ahayd " Rag waa raggii hore haddalna waa intuu yiri" Inkastoo ay u muuqato in aannan rumeysneen orraahda ah " Rag waa raggii hore " Balse orraahdan ah " Haddalna waa intuu yirri" Actually,qaybbiyan wax ahaan waa ka rumays nahay waayo,Afkiibaa Juuqda Gabay ayay xaajo joogtaa sebbenkan xaadirka ah. Afkii Hooyo waa u jeednaa in uu sii liicayo,wax laggu soo darray ma arragteen beryahaandambe siiba marka aynu indha-indhayno dhinaca arrimaha " Technology-ga" ? Qofka Somaliga ah waxaa dhib iyo carqallad ku ah siddii uu miidaan ugu helli lahaa dhinaca Errey Bixinta iyo xajmiga ay hawluhu ku socdaan... Dear Kamila, thanks for your great effort, and my Allah bless your heart. I learn a lot from that. Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye Sida hallo kareebaan saqdhexe soo horranayaaye Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye Hadii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma hor joogeene Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa'e .............................................. ............................................... .........AABBIHII JACAYLKEE ABBABSHEY GEED CAASHAQ. " CILMI BOODHARI" alloow kuu naxarriso!!! ....SCS. ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
petite Posted June 19, 2002 Jamaal and Cartan..Job well done!!. Granted, I have to read twice before i understand it..but it's really worth the effort!!!!. Keep them coming!!. Cartan...plsssssssssss...get started on part three already, i'm in suspense here! Quote Share this post Link to post Share on other sites
MaandeeQ Posted June 20, 2002 lool @ Indhadeeq It's all good as long u come. Enjoy it dear Jamaal-11, don't let me catch ya while u r undermining ur ability to excel in our lovely language, aight? :mad: Petite, the more u do it the easier it gets, blv me sis. Keep it up walaalo Cartan, soo wad hee sxb, qoortaada xor ma ahaneeee Quote Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted June 20, 2002 Mar uu marayey meel waddo ah ayuu si lama filaan ah isha oggu dhuftay xabbadii laga raacay, Hiq! markii hore waa yar naxay wuxuuse isu qalciyey in maanta ay tahay maalin aannu dhaafi karin fursaddaas qaaliga ah ee ee lama dhaafaanka u ahayd. Wax yar uun ka hor intii aysan is-wajihin Ladan,ayaa Caamir iyo saaxiibkiis Qaalid meel yar oo dalcad ah oo shaaha inta badan ey ka cabbi jirreen waqtigana ey isu dhaafin jireen ayay fadhiyeen isla markaasina waxay si fiican ogga wadda baarraandegeen hawlo badan oo ogga baahan in ey xagliyaan isla mar ahaantaasina helaan waddiiqii ey isaga furdaamin lahaayeen,arrintaas waxaa oagu horeeya Barxaddaha cishqiga ee ey dhex dabaalanayaan. Xooggay daqiiqaddo ha kadibna waatan ey Caamir wajiga is-darreen gacalladii uu inta badan ku hammiyi jirrey ee uu sidda ba'an ogu hanweynaa. Haddalo ayaaney is-dhaafsadeen. Arrintaas asaga oo saaxiibkiisa garrabka middig oga warammaya ayaa waxa uu ku billaabey in arrintu ey u dhacdaysidaan. Xawli ban ku socdoo Waxaan xaamkim u doontey Meel aan xaafadku ool Xooggiisa Jacaylka Anni waaban ku xiiqay Xannuunkuu igu reebbay baa Isii xallufsheyoo Beryahaanba xilkaygu Waa soo xaddiidnaa Anna xeel aan ku dhaafo Ma aan soo xarrakeyn Xalna ma aanan u raaddin.. ..... Haddalkii asaga oo wata ayaa sxbkiis ka soo dhex gallay si uu bal wax ogga oggaado sidda ey wax u jiraan amaba ey u dheceen. Caamir oo haddaba haddalkiisa aan oodda ka qaddin isla markaasina maldahaya arrinka ayaa ku soo laabtay booskii haddalka, oo yirri; Waxan Xaawo u sheeggay Haddal aan xalladeeyey Oo aan soo xullayoo Xardhan oo la habbeeyey Xushmadloo naxariis leh Xawligiisa Jacaylka Haddii aan ku xussuus'sho Mar xaggaaga hortii Billow xaafadda dhaaftay Addigoon xogba hayn Ama xaajo ka bood ah ( kullankoodu waa horreeyey)* Arrinkaas arrakaysan Ladan may ka xumaan Waxay soo xurguf siisay Haddal aanan fileyn Oo xoorkiisu wacnaa ( haddallada waa QRSNYHN )* Harreerbay ka xarriiqday Waxay Xaawo haddal tirri Xeellad baa la rabbaa Xannaaqna loomaba baahno Dadku waa xannibmaan Xulluulbey mar gallaan Dadbaa xaakim u baahda Markay xoog ku marraan Meel xeerkeeda jabshaan ayagoon xogba hayn Jacaylkaad ku xarriiqdo Addigoon xasilleen Ee aad meel xun ku tuurto Mar-buu xaal ku marshaa Ama kaa xayirmaa Xaallad aaddan fileen Ayaad xoog ku gashaa. ........ TO BE CONTINUED...(HEI) Jacayl baa I laacoo Leeleey I geliyoo Lugta iyo gacmaa iyo Luquntii is raacshoo Laalaabka xadhigii Dhan walbaba ka liifshoo Jarka laagta dheer buu Laashintii qaloocdee Lulmanaysay ila helay Laabtiyo jidhkaa nool Ma se luudin karayaan? .................. N..A..B..A..D..EE..EE..EE..Y..Y F.G. MaandeeQ aar heestii lee igu dhex go'day hee,though it seems I got myself into a huge predicament ... Sagxadda inta meesha lagga qaaddayo leen suggaa. MaamdeeQeey; Ganafkaa laygu jiiddoo; Gam'i waayey caawee! Garrab waxan ka suggayaa; Mid aan goonni u ahaaye Hawraarta guud iyo; Ma aan seeggin gollihiiye Hayeeshee garradkaan ka irri; Gaagax haddalkiiye ............ ....SCS. :cool: ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
MaandeeQ Posted June 22, 2002 predicament u said??!!!! NONSENSE Allow me to copy UR style n say..... CARTANOW SXB, HA QOOMAMEYN HANA QUUSAN QALBIGAAD IIGA TAAL QAALIYOW QOWLKA HALKAA KA SII QADAANQADI....LOOOOOL OOOh boy! what have I got myself into :confused: :confused: Quote Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted July 11, 2002 Salaamu Caleykum W.W. Waa Heestii taxanaha ahayd oo aan ka sii ambaqaadno halkii ay ku sii shakaalnayd. ~ QAYBTII 4AAD ~ Qaali hadalki waxay tidhi Gurri inaad qalqaashiyo Hadaad qoys samays tahay Maxaa qoob ciyaarkiyo Laabta isku qabadkiyo Quraafaadka kugu wada? Ibrona waygu qayshoo ( Ibro=Ibraahim ) Qisadaan fashilinoo Qoladaa tumaysiyo Qolka oo dhan gaadhsiin Wadaadkii qatalanyeey!! Qosolbaa lawada dhici! Anniguna qasooboo Arrin iggu qaraarraa Qunyar dhuumo caawiyo Qaarad kale ma aaddaa Ibro qoolka haygelin Armay gabadh laqabo tahay Qaynuunka jebisiyo Xaal laygu qaadaa! Dabeed maxamed iga qabay Arag inaan qadbaan ahay Qawi wuxuna kaga dhigay Inaan hadalka qoomkaas Qaaradaha ka kala yimid Qurbuhu isu keeneen Qisadayda lagu fiddin Ibro waa nin qaxaroo Waxba kuma u qaadane' Qisadii madhaafine Isna sidda qumbuladdii Hiiroshiima lagu qubay Qac kasii warkaygii! Iyo qaaruu kusii daray! Qisadaydii la ogaa!... ............. Waa Socotaa...(HEI) MaandeeQ,thanks for just more than I could say & may Allah bless your heart with his graceful mercy! I tremendiously consider you as one of those respecful Somali sisters ------------------- "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ....SCS. :cool: ________________________________________ _________________CARTAN_________________ MAALINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALAFKIIS!! HA QOOMMAMEYN HANNA QUUSSAN!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nomadman Posted July 15, 2002 Cartan maansha allah, war ninkan saleemaan la yidhaah kamaba yareesto hadraawi e. waa maxay heeskiisu miyuunanba ´kala goánbe ma daad durdurayaa, ma biyo burqanayaa, ma tog soo rogmanayaa ma hee lol... Bal waan soo noqon doona oo mar kale idiin soo booqan doona hadduu Ebbe idmo. Nabadeey akhiyaar. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MaandeeQ Posted July 21, 2002 Asalamu Caleykum Wr Wb CARTAN, the feeling s mutual my bro Quote Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted July 28, 2002 Asallaamu Caleykum W.W. Mr.Nomadman, sxb sallaan marka hore. Marka labaad waxaan filayaa in aad la yaabtay dhererka Heeskaas aan soo qaatay. Waxaa iska jira qaar ka mid ah Abwaannada oo aan iyagu kalaba joojin haddii ay u tabaabusheystaan xagga Suugaanta, waxanad is-weydiineysaa su'aalaha aad kor ku xustay iyo qaar badan oo la kale, sababtuna ay tahay Afkeena oo Hodan ku ah xagga Suugaanta isla markaasina aan kaa kala go'ayn haddii aad istiraah meeshaas u socdaal addoo addeegsanaya Suugaantiisa. Waa sidda jid dheer oo aad dammacday in aad safar ku marto balse aan dhammaad lahayn, ninka daalaba waa addiga. Dadkuna isu meel ma wadda maraan oo koley waatii horay loo yirri...Haddalna la kala orran Og Illaahna la kala baryi Og.. Sababta aan u soo qaatay ayaa waxa ay tahay Abwaannadu waxay heli ogyihiin orraahda haddalka. Midda kale sidda ay ila tahay,tani waxa ay reebaysaa oo ay xaglaha u laabaysaa dadka aan Af-Soomaaliga naxwiihiisa aqoonta fiican u lahayn oo dhan..Naxwuhuna inta badan wuxuu sahlaa haddalka oo aad si dhibyaraan ah u haleesho. Abwaan Hadraawi, koley waa gabyaa caan ah, oo maansooyinkiisu aanay kalaba joogsan sidda aan ku arkay melo badan. Suleymaana soo kale in uu yahay ayaan filayaa. Balse Suleymaan ma ahan nin caan ah oo la yaqaan. Wuxuuse leeyahay Maansooyin tayodoodu sareyso.... F.G. Mr Nomadman raali ahaw sxb haddii aan galay baab aan loo baahneyn. ...SCS. :cool: ___________________________________________ ___________________CARTAN__________________ MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nomadman Posted July 31, 2002 Cartan: Sxb Salaantaad igu sharaftey mideeda oo kale iga gudoon adna bal. Marka xigtaa, waxay somali ku maahmaahdaa " Hadal nin dheereeyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kamuu wada tagin" Horta baab aan loo baahneyn maadan galin. ee waa fiican tahay in wax walbo oo aduunka yaala la wada gorfeeyo. Runtii Heestu aan kala go'eyn waxaan is lahaa maalin uun buu noo sheegi doona guul ama guul la'aan halkuu ka gaarey gabadhii sida layaabka leheyd Saleemaan qalbiga uga qabsatey. Aan ku soo laabto Maahmaahdii aan sheegey ee waxaan uga gon leeyahay: Hadraawi heeso dhaadheer sida Baladweyn ayuu tiriyaa. Markaad heesta eegto inta badan waxaa ka buuxa waxyaalo aan Partinent ku ahayn sheekada meesha taal " Wabigoo butaacoo, beeraha waraabshoo, badarkiyo galeydii laga tuurey baalkoo, canabkii bislaadoo, ... lagu waabariistoo reeruhu ..." intaas oo hadal ah, waxaa soo uruurin karta " Dhulka oo barwaaqo ah. Please leave something to the imagination. I like my food raw, I don't like someone to chew it and spit it out for me. Nuxurkaa ka dhamada. Marka Hadraawi waxa uu ku soo korey dhul carbeed oo uu wax ku soo bartey, carabtuna hadaad heesahooda fiiriso aduunkoo dhan intey soo xaaqaan bey hortaada keenaa. Bal hada ma xuusan karo hees kale oo kooban oo aan barbar dhigo tan hadraawi, lakiin waa muush inta heesood ee uu ninku tilmaamo gabadh iyo sidii u caashaqey iyo siduu u waayey. Ka soo qaad Boodhiri jacaylkiisu sidaa hadraawi ayuu dhab ahaa. lakiin meesha uu Boodhiri ugu dhintey huqdii jacaylka markuu waayey hodantiisii, Hadraawi gaadhi kale intuu raacey uma raadsan Beerlula. Marka iyadoo labada nabar ee labaada nin hayaa aan saa isu soo barbar dhigey ayaa hadana Cilmi Boodhiri isagoo waxba ka tagin uu na tusiyey jacalkii uu hodan u qabey. Lagaba yaabee labo ama sadex bayd kaliya inuu nagu dareensiiyey jacalkaas. Meesha hadraawi naga buuxiyey labatan xashiyood. Marka, Nin hadal badiyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kama wada tagin ayaan ku odhan lahaa Sxb. Halkaas ka sii wad sheekadii, hadduu eebe idmo waan soo laaban marey ahatoba Nabad iyo naruuro Quote Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted August 4, 2002 Asallaamu Caleykum W.W. Mr.Nomadman...Waa mahadsan tahay...sxb Nomadman....Dabcan waa runtaa in marka si loo fiiriyo Heeska Beledweyne(Beerlula) qaybteeda tibaaxaysa nimcada ay ku haboonayd amaba ay soo koobayso ...Dhulka oo barwaaqo ah...balse inta badan mu'alifiintu waxa ay doorbidaan in ay sii naashnaashiyaan hawsha ay faraha kula jiraan si ay dadka ugu bayaamiyaan waxa jira, iyagoo isla markaasina beyd walba sii labban laabbaya amaba atleast saddarkiiba ku sii siyaadinaya ilaa shan saddar iyo ka badan. Balse maxay haddaba u indho indheyn waayeen Maahmaahdaasi qiimaah leh ee aad ina soo xussuussisey? Maadaamo ay nahdu ka dhumayso meelaha qaar, lagana yaabo in sheyga aad akhrinaysaayi kugu aabuurro caajis iyo waxyaabaha la midka ah. Midda kale waa runtaayoo, Cilmi iyo gabayadiisa uu ku sifaynayo Cishqigii ku barbaarray bogga iyo laabtiisa, marka aad si wacan u dhuuxdo, waxa aad isla markiiba garwaaqsanaysaa nuxurka ku jira gabayadiisa iyo sidda hufan ee uu uga hadlayo dhibkii soo wajahay.. Ha dheeraado gabaygu amaba yuusan dheeraane, haddalada Cilmi oo dhan ayaa waxaba ahay ahaayeen/yihiin kuwo aan la dhayalsan karin. Xagga Suleymaan iyo nasri iyo nasiib darro, bal meesha uu ku dambeeyo waynu isla eeggi doonaa inkastoo uu sheekada isaga laftiisu inoo naashnaashiyey isla markaasina mawjadaha Heesku aan filayo in ay noqdeen kuwo sii dabba dheeraaday unna muuqaal eg mid aan dhammaanshaba lahayn. :eek: ..F.G..Bal waan soo gudbin doonaa Heeskii maalmaha xigga haddii Eebbe Idmo Insha'allaah, Raali iga ahaada intaas, waqtiga oo igu yar aawadeed. ...SCS. :cool: ___________________________________________ ___________________CARTAN__________________ MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSAN!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
CARTAN Posted August 5, 2002 Asallaamu Caleykum W.W... QAYBTII 5aad iyo Gunaannedkii Heesta....... -------------------------------------- Qadar maalmo dabadeed Hudheel yaroo qarsoonoo Qaarradeenu leedahay Ibro iyo Xuseeniyo Qaar ima kaxaynoo Qaddo sow umaan tegin Samsam qadada noo keen Xabashida qalaadka ah Qolka ciddi majoogtoo Annagaa ka qaalbiba Heestooda naga qaad Noo saar qaraamiga ! Xuseen hadalka qabadsii Iyana qaayib bay tidhi Arintoo quman ahoo Qoloqolo kaftanahiyo Qurbihiyo dhibkiisiyo Qisas lagu jiraayo Dadku wada qoslaayaan Qaali sowma soo gelin Qac ishii kumaan siin Hadalkii iga kala qubay Baarliiney qadadii Qudradii macaanayd Maangihii qaboobaa Qanac bayga galayoo Qaad qaadad mooyee Waxba kama aan quudane Cishqigeedi gabadhaas Qiiru igeliyoo Salaadii qasqaasoo Ma qushuuci karayee Yaasiinow quraankiyo Qawlkii Rasuulkiyo(SCW) Maalintay quruumuhu Qaawanaan is taagaan Suurku qayliyaayee Qabriyada lasoo fadho! Qaxarkiyo dhibaatada Qofna aan qof eegeyn Qaarricada naartiyo Qiyaamihii xusuustoo Qaladkaan sameeyaan Dib u qoomameeyoo Qaaf iyo wuduur iyo Qulacuudiga akhriyey Qawiyoow illaahow Adigaa qufuur ahe Noo qafiifi Umuuraha Cadaabaha hanagu qubin Dhammaad.........! Wamaa Tawfiiqi ilaa Billaah. Tixgelin; Suleiman..... "INASSALAATA KAANAT CALAL MU'MINIINA KITAABAN MAWQUUTAN!!" ...SCS. :cool: ____________________________________________ ____________________CARTAN__________________ MAALLINTII NIN JOOGGIYO MAANKEYGA CALLAFKIIS!! HA QOOMAMMEYN HANNA QUUSSAN!! Quote Share this post Link to post Share on other sites