Deeq A. Posted November 25, 2021 Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay la dhigay afaafka hore ee Dugsiga Sare Banaadir oo ku yaalla halkaasi, iyada oo qaar ka mid ah ardayda iskuulka ay waxyeelo xoogan soo gaartay Sidoo kale dad shacab ah oo wadada marayay ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan shacab marayay wadada uu qaraxu ka dhacay. The post Wararkii ugu dambeeyey qaraxa ka dhaca Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites