Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada PSF ee Puntland oo ka horyimid tallaabo uu maanta qaaday Saciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka Puntland ayaa si adag uga horyimid xil ka-qaadis uu madaxweynaha maamulkaas, Saciid Deni ku sameeyay agaasimihii hore ee hay’adda PSF ee ciidanka dowlad goboleedka Puntland.

War kasoo baxay hogaankii iyo ciidamada PSF ayaa waxa lagu sheegay in xil ka qaadist iyo magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni ay tahay mid baalmarsan sharciyada, xeerka ciidanimada iyo dhaqanka suuban.

“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada PSF.

“Si dhow ayaan ula soconay xaaladda dalka cidda la sameynayasa xiriirada guracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon maayan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina.”

Sidoo kale waxay mas’uuliyiinta PSF sheegen in lama filaan ku noqotay tallabada sharciga baalmaran ee uu qaaday Deni, oo ay ka arkeen keliya baraha bulshada oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, sida ay sheegen.

Qoraalka kasoo baxay hogaankii hore iyo ciidamada PSF ayaa imanaya saacado un kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland uu S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland.

The post Ciidamada PSF ee Puntland oo ka horyimid tallaabo uu maanta qaaday Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this