Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeen cusub oo loo magacaabay Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 45 ee November 24, 2021 kuna saabsan magacaabid guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka

iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Dalmar Bile loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Gobolka Bari.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye ku xigeen cusub oo loo magacaabay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this