Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku soo baxay doorashadii Golaha Shacabka ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb?

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20211124_171558280.jpg?resiDhagey (middig), Cawad (dhexda) iyo Maxamuud (midig)

Saddex kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala doortay magaalooyin Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

Doorasho ka dhacday Dhuusamareeb oo natiijadeeda horay loo sii ogaa waxaa lagu doortay Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo dhawaan iska casilay Aqalka Sare.

Mahad Cabdalla Cawad oo dib loogu doortay kursi uu muddo dheer ku fadhiyay ayaa helay 84 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahayd Haweeney aysan helin wax cod ah.

Sidoo kale Yuusuf Geelle Ugaas ayaa helay 82 cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdiqaadir Diiriye uu helay 4 cod.

Dhanka kale doorasho kursi ka mid kuraasta Somaliland oo ka dhacday Muqdisho ayaa lagu doortay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo dhawaan ka yimid magaalada Hargeysa, kadib markii looga guuleystay doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland.

Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa helay 65 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Maxamuud ay kala helleen 25 cod iyo 7 cod.

PUNTLAND POST

The post Yaa ku soo baxay doorashadii Golaha Shacabka ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this