Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska Iyo Jarmalka Oo Ku Amray Muwaadiniintooda Inay Ka Baxaan Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Dalal kale ayaa muwaadiniintooda u sheegay inay isaga baxaan dalka Itoobiya, halkaas oo uu sii xoogaysanayo dagaal sannad ka badan socday oo u dhexeeya ciidammada federaalka iyo ciidamada ka soo jeeda gobolka Tigrayga ee woqooyiga dalkaas, kaasoo u muuqda inuu waji cusub yeelanayo.

Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa goor dambe oo isniinti ah ku dhawaaqay inuu safka hore tagi doono salaasadii shalay si uu u hogaamiyo askartiisa, isagoo ku dhawaaqay: “Waxaan hadda ku jirnaa heerkii ugu dambeeyay ee badbaadinta Itoobiya.”

Faransiisku wuxuu kula taliyay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Itoobiya, Jarmalka ayaa sidoo kale ugu baaqay muwaadiniintiisa inay dalka ka baxaan duullimaadyadii ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyadoo la raacayo talooyin la mid ah oo ay siiyeen Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo sabab uga dhigaya xaaladda amniga oo sii xumaaneysa.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si ku meel gaadh ah u rari doonto qoysaska shaqaalaha caalamiga ah ee ka imaanaya Itoobiya, iyadoo intaa ku dartay in shaqaalaheeda ay sii joogi doonaan dalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this