Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16376919532889717.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku dhawaaqay in dalku galay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo, taasoo ka dhalatay abaaraha sii baahaya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirradu ka yeesheen xaaladda abaaraha ayaa yiri “waxaan ku dhawaaqayaa in uu dalku galay xaalad degdeg ah oo bini’aadanimo, loona baahan yahay gurmad degdeg ah gudaha iyo dibadaba”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyabaha kala ee shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in ay si degdeg ah uga qeybqaataan taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah oo bani’aadanimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this