Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad Ka Taqaan Musuq-maasuq Ku Eryey Madaxweyne Siilaanyo Ee Uu Biixina Xil-Wasiirnimo Ku Raray?

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba kamid ah xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa farta lagu fiiqay,kuwaas oo lagu kale sheegay in midkood ay naafaysay qabyaaladi,halka kalena lagu sheegay inuu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Siilaanyo Xilka uga qaaday arrimo musuq-maasuq oo uu ku kacay.

Labadan Wasiir ayaa kale ah Wasiirka Jidadka iyo gaadiid Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed iyo Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Suufi, kuwaas oo lagu kale eedeeyey arrimo musuq-maasuq iyo arrimo la xidhiidha naxliga qabyaalada

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa arrintaas ka hadlay ayaa ugu horeyn sheegay in Madaxweyne Siilaanyo masuulkii ugu horeeyey ee uu xilka wasiir-nimi uu uga qaaday arrimo musuq-maasuq uu ahaa Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed,kaas oo shan bilood iyo labaatan maal-mood oo keliya markii uu xilka wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta hayey looga qaaday arrimo musuq-maasuq”Cabdirasaaq wuxuu ahaa ninkii isgaadhsiinta loo dhiibay ee lagu eryey musuq-maasuqa,waa wasiirkii ugu horeeyey ee lagu eryey musuq-maasuqa.”ayuu yidhi Faysal

Faysal Cali Waraabe ayaa wax laga xumaado iyo nasiib darro weyn ku tilmaamay in Madaxweyne Biixi uu maanta masuulkii ugu horeeyey ee Xukuumaddii Axmed Siilaanyo xilka looga qaaday toban sanno ka hor arrimo musuq-maasuq inuu maanta uu xil wasiir-nimo uu u magacaabay “Guul-waddanimo aanaynu hore u arrag oo tii siyaad Barre ka darran ayuu maanta nagula dhacay ,markaa waxaan leeyahay Cabdirasaaq haddii uu hankaagu ahaa wasiir in aad afgaaga gaabsataa ayey ahayd shalay ninkii aad ka sheekaynaysay ee aad maagaysay …”ayuu yidhi

Geesta kalene Guddoomiye Faysal Cali Xuseen ayaa Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Cabdiweli Suufi ku eedeeyeyey inuu yahay shaqsi ay qaybyaaladu naafaysay oo ay naanaabisay “Wasiirkeena isgaadhsiinta Somaliland wasiir Cabdiweli suufi waa nin qabyaaladi dishay oo lafta ka gashay, maalin dhawayd ayaa lagu yidhi cabdiraxmaan cirro agfadhiiso waa uu diiday inuu Cirro agfadhiisto waayo qabyaalad ayaa naanabisay”Gudoomiye faysal cali waraabe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this