Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Uu Muddo Xilligeedkiis Sii Dhammaanayo Oo Looga Digay Muddo Kordhin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha uu muddo xilleedkiisii sii gabaabsiga yahay ee Muuse Biixi Cabdi,ayaa looga digay in uu muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn uu samaysto,waxaana la sheegay in doorashada Madaxtooyadda haddii ay ku dhacdo wakhtigeeda in gelin hore lagaga adkaanayo Xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha uu wakhtigiisii sii dhammaanayo ee Muuse Biixi Cabdi ,kaas oo hadda muddo xilleedkiisii rasmiga ahaa ee la doortay uu ka hadhsan yahay sannad qudha

Ismaaciil Yare oo arrintaas ka hadlaya ayaa haddaladiisa waxa kamid ahaa kuwan”Ma dhacayso in loo kordhiyo oo dariiq sunne khalad ah lagu marriyo,haddii uu illaahay ku bad-baadiyo oo uu nabad kaga dego nasiib ayuu ku leeyahay .”ayuu yidhi Ismaaciil Yare

Geesta kalene Jaamac Shabeel oo isna kamid ah kaatiriinta Xisbiga WADDANI ayaa isna sheegay in aanay u suuragelayn Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay boobaan doorashada soo socota ee Madaxtooyadda”Malaha waxay ku tallogeleen inay boobaan,taas ayey is leeyihiin wey soconaysaa ma shaqaynayso ,wax shaqaynaya maaha ,sharcigaa aynu dhigaynay iyo xeerka ayaa lagu dhaqmayaa.”ayuu yidhi Jaamac Shabeel .

Dhanka kalene siyaasi Jaamac Shabeel ayaa sii saadaaliyey natiijadda doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee inagu soo fool leh kal dambe 2022-ka,waxaanu sheegay in doorashadaas afka ciida loo darri doonno Xisbiga KULMIYE,isla markaana uu Xisbiga WADDANI ku guullaysan doonno “Maantana Xisbiga KULMIYE waxa lagaga badinayaa boqol kun,100 oo cod imisa ayey xaddi imisa ayey odhan is weydaariya waa boqol kun oo cod inta lagaga badinayaa ” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this