Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada S/land oo Hadallo xanaf & Xajiin badan isu mariyey Warbaahinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada S/land oo Hadallo xanaf & Xajiin badan isu mariyey Warbaahinta

Saaxiibkey, Xildhibaan Cali Malable waxa aan leeyahay:
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed muddadii koobnayd ee uu golaheena hoggaaminayay waxa uu gaadhsiiyey guulo wax ku ool ah. Waxa ka mid ah: dhismaha guddi hoosaadyo, dhammaystirka xeerka golaha, dhismaha iyo dayactirka xarunta golaha, tayaynta shaqaalaha goolaha, tabobarida xildhibaanada goolaha, soo kordhinta lataliyayaal khuburo ku ah sharciga, dhaqaalaha, afka, iyo Xidhiidhka baarlamaanada caalamka.
Dabci uma laha aargoosi iyo uurxumo. Waxa uu muddadaas muujiyey odeynimo iyo isku haynta gole waynaha, waxaas’e layaab leh cidda canaan iyo cay uga dhigaysa bulsho abaal ku leh Cabdirisaaq sidee ayuu ugu mahadceliyey? Haddii aanad adigu ogaal u laheyn ciddi codka ku siiyey iyo xisbigaagii, Cabdirisaq waa yaqaannaa dadkiisa iyo ciddi dooratayba.
Golawaynaha ayaa laga tilmaami kara lagana toosin kara haddii khalad u galo guddoomiyihu, laakiin in saxaafadda laga canaanto waxa aan waxba aheyna cay looga dhiga waxa ka dhalanaysa anshaxmarin. Xeerka goolaha iyo xurmada xildhibaannino waa in aynu dhowrnaa.
barkhad.jpg
Xil-Barkhad Batuun .
“Anigu sxbkay xildhibaan Barkhad Batuun magaciisa qayiri maayo magackalena u bixin maayee laakin waxa aan ogaa adiga oo ah Afhayeenka xisgiga Wadani kugumana ogayn in aad noqotay afhayeenka Guddoomiyaha Gollaha wakiilada waa shaqo cusub oo kuu soo korodhay.
Runtii waan bogaadinayaa in markii aad weyday in aad Guddoomiye ka noqoto guddiyada golaha in halkaa wax lagaga baadh baadhay waanan kugu hanbalyeynayaa shaqadaa cusub ee aad hayso.”
qaran.jpg
Xildhibaan Cali Qaran.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this