Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Dawladda Imaaraadku 55 million oo dollar ku bixisay dib u habaynta iyo horumarinta Madaarka Berbera.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Dawladda Imaaraadky 55 million oo dollar ku bixisay Madaarka Berbera.

Maareeyaha Hay’adda Madaarada iyo Duulimaadyada Cumar Cabdillaahi (Cumar Sayid), ayaa sheegay in mashruuca horumarinta ee Madaarka Berbera ay Dawaladda Imaaraadku ku bixisay lacag gaadhaysa 55 million oo dollarka Mareykanka ah

“Mashruuca Horumarinta Madaarka Berbera ee madaxweyne Muuse xadhiga ka jaray waxa ku baxday aduun lacageed oo dhan 55 million oo dollar, oo ay dhamaanteed bixisay dawlada Imaaradka carabtu. Mashruuca qaradaas leh, iyo horumarka intaa leeg ee umadan u soo kordhay, ayaa shacbiga Somaliland iyo madaxweynahooduba u dabaal dagayeen.” Ayuu yidhi Maareeye Cumar Sayid, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka jawaabaya dhaliillo maalmihii u dambeeyey loo jeedinayey madaxweyne Muuse Biixi, “Waxaan arkayaa qoladii mucaaradka oo khudbadii madaxweynaha ka samri waayay, horta Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee cusubi laba jeer ayuu soo hadlay ilaa intii xaflada ka dambaysay, musharaxii xisbigaas odaygii cirona isna waa soo hadlay.
Qaar badan oo kale oo iyaguna wali samri la ayaa jira oo wali hadlaya.

Waxaan leeyahay qolada mucaaradka gaar ahaan xisbiga wadani goolkaasi wuu idinka dhashay, waayo waxaad tihiin oo shacbiguna idiin oghayay xisbigii ka soo horjeeday mashaariicda horumarineed ee Somaliland iyo imaaraadku ku heshiiyeen.

Markaas maanta waa gartiin inaad iska soo daba hadashaan, kol hadii aydaan intood umada hor timaadaan khaladkii aydaan raali galin ka bixinayn.

Siduu sheegay gudoomiye faysal raali galinta cirro qarsoodiga ku bixinayo shacbiga Somaliland ayaa u baahan in la raali galiyo.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this