Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadal-heyntii Xooggan oo ka dhalatey Muqaal laga duubay Imaamkii hore ee Masjidul-Xarameynka+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Hadal-heyntii Xooggan oo ka dhalatey Muqaal laga duubay Imaamkii hore ee Masjidul-Xarameynka+Sababta

.

Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay baraha bulshada dalka Sucuudiga kadib markii imaamkii hore ee Xarameynka Sheekh Caadil Al Kalbany uu ka soo muuqday muuqaal lagu xayeysiinayay bandhig dhaqameedka caalamiga ah ee Riyadh ee lagu qabto dalkaas.

Sheekh Al Kalbany ayaa kasoo muuqday muuqaalka isaga oo ku labisan dareeska militeriga, isagoo hoggaaminayay bandhigga dagaalka ah ee caanka ku ah munaasabadda Riyadh.

Waxaana muuqaalka lagu arkayay rag jilayo sida rasaasta loo rido iyo tababarada ku saabsan toogashada.

Waxaa intaa dheer, Sheekha , xiddigo dhanka kubadda cagta ah iyo jilaayaal ayaa kasoo muuqday muuqaalka xayeysiinta ah waxaana kamid ah Maxamed Al Da’aya, Saciid Al Qawreyn, Khaalid Abdul Raxmaan iyo ninka ku takhasusay climul falagga Khaalid Al Zaqaq.

Madaxa arrimaha madadaalada Sucuudiga, Turki Al Sheekh ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaalka xayeysiinta ah, saacado yar gudahood waxaa muuqaalka daawatay ku dhawaad 5 malyan oo qof.

Imaamkii hore ee Xarameynka ayaa si jeesjees ah jawaab uga bixiyay muuqaalka, wuxuu yiri, “Ma uma maleyn kartaa in aan ka qeybgeli karo jilidda filimada Hollywood-ka?”

لا تجوووووووووون 😉❤🇸🇦https://t.co/ZosrfKMOZ9 pic.twitter.com/V48ED3UfsI

— TURKI ALALSHIKH (@Turki_alalshikh) November 18, 2021

ظنك يمدي اروح لهوليود؟😂 https://t.co/bfK9SD8li4

— عادل بن سالم الكلباني (@abuabdelelah) November 18, 2021

Hal ku dhigga-Kalbaany ee qabsaday baraha bulshada

Markii uu Sheekha kasoo muuqday muuqaalka waxaa baraha bulshada Sucuudiga gaar ahaan Twitter-ka qabsaday magaca ‘Al Kalbaany’

Dood kulul ayaa dhexmartay taageerayaasha Sheekha iyo kuwa dhaliishan muuqaalka, Sheekha waxaa Twitter-kiisa ku xiran in ka badan 6.5 malyan oo qof.

Dadka qaar ee adeegsada Twitter-ka waxay Sheekha ku eedeeyeen “In uu ahaa imaamkii masjidka barakeysan ee isu baddalay jilaaga iyo majaajileystaha”

Qaarkood waxay ku eedeeyeen in uu taageerayo dadka garwadeenka ka ah beenta iyo musuq maasuqa.

Taageerayaasha Sheekh ayaa ku dooday in uusan sameyn arrin kasoo horjeedo diinta Islaamka halka qaarkood ay sheegeen in Sheekha uu tusaale wanaagsan u yahay bulshada kale.”Waa tallaabo macquul ah in Imaamkii hore ee Xarameynka Al Kalbaany uu kasoo muuqdo halkan, wuxuu tusaale wanaagsan u yahay dadka”

من أمام للحرم إلى مهرج وممثل..

عبارة تختصر كل شيء https://t.co/bjOJtiinXm

— Adnan Alhussein (@Adnan_Alhusen) November 19, 2021

Taageerayaasha Sheekh ayaa ku dooday in uusan sameyn arrin kasoo horjeedo diinta Islaamka halka qaarkood ay sheegeen in Sheekha uu tusaale wanaagsan u yahay bulshada kale.

“Waa tallaabo macquul ah in Imaamkii hore ee Xarameynka Al Kalbaany uu kasoo muuqdo halkan, wuxuu tusaale wanaagsan u yahay dadka”

Waa kuma Al Kalbaany?

Magaciisa saxda waa Caadil Bin Saalim bin Saciid Al Kalbaany.

Waa imaamka masjidka Muxeysin ee ku yaalla xaafadda Ishbiliyah ee dhacda Riyaadh.

Waxaana sanadkii 1429 A.H loo xil saaray in uu saaladda Taraawiixda ka bixiyo.

Wuxuu ku dhashay Riyadh, waana sheekha caan ka ah gudaha Sucuudiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this