Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer Ilaalinta Ciidamada Oo Sheegtay In Dambi Lagu Waaye Eedeysanayashi Kiiska Ikraan Tahliil

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaga guud ee maxkamadda ciidamada Qalabka sida Cabdalla Buulle Kameey ayaa shaaciyay natiijada horudhaca ah ee ka soo baxday baarista kiiska Ikraan Tahliil Afrax.

Gen. Kameey ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyen guddiga loo xil saaray kiiska sarkaalad Ikraan ay wax dambi ah ku waayeen dhamaan tuhun sanayaashi kiiska.

Cabdalla Buulle Kameey ayaa sidoo kale sheegay in ay fadhiyo la yeesheen dhamaan dadki lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen kiiska Ikraan Tahliil, kuwaa oo ay ka mid yihii Yaasin Fareey, Fahad Yasiin, Kulane Jiis, Wadna qabad iyo rag kale.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sidoo kale baaris lagu sameeyay dhamaan cadeymihi ay soo bandhigen taliska NISA, balse haba yaraate wax dambi la lagu waaye dhamaan tuhun sanayaasha.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay in ciddii cadeyma ku saabsan kiiskan heyso ay la soo wadagaan maxkamadda.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this