Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 70 Tahriibayaal oo ku dhintay Xeebaha Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga Liibiya horraantii toddobaadkan xilli ay doonayeen in ay gaaraan Talyaaniga.

Hay’adda IOM ayaa dhacdadan ku tilmaantay masiibadii ugu dambaysay ee laga soo weriyay xeebaha Liibiya iyadoo xogtan ku sheegay in 15 qof oo dadkaas la socday ay soo badbaadiyeen kalluumaysato, isla markaana la keenay dekedda Zuwara ee waqooyi-galbeed ee Liibiya.

Qaramada Midoobay ma aysan bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira musiibadan.

Sidoo kale Sabtidii, Ilaalada Xeebaha Talyaanigu waxay soo badbaadiyeen in ka badan 420 tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan tobannaan carruur ah, oo saarnaa doonyo dhibaato badan kala kulmay Badda Mediterranean-ka.

War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in 70 qof oo kale ay si nabad ah ku keentay mid ka mid ah doomihii ay wateen jasiiradda yar ee Talyaaniga ee Lampedusa, ee koonfurta Sicily.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 70 Tahriibayaal oo ku dhintay Xeebaha Liibiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this