Deeq A. Posted November 21, 2021 Murrashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ka jawaabay eeddo uu shalay u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,,waxaanu yidhi “Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweynaha Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shiararkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay. Shacabku waxa ay kaa filayeen inaad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay. Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas’e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baalmarsaneyd sharciyadda dalka. ____________________________________ Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI. Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Source Share this post Link to post Share on other sites