Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyadda Afar Xubnood Oo Ka Soo Jeeda Qoyska Madaxweyne Biixi Oo Uu Hanti Dhawrku U Diray Inay Baadhis Ku Sameeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida doorshooyinka Qaranka Somaliland ayaa hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland uu baadhis ka bilaabay dhawaan,taas oo si weyn la isku weydiiyey sababta wakhtigan diirada loo saaray in baadhis lagu sameeyo Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo si weyn loogu amaanay qaabkii ay u maamuleen doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay dhammaadkii bishii may ee sannadkan 2021-ka

Baadhitaanka uu Hanti dhawrka guud ku samaynayo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa lala xidhiidhinayaa in ay tahay mid ku tacaqluqda qaabkii ay u maamuleen dhaqaalihii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka dhacay dhammadkii bishii may ee sannadkan 2021-ka.

Dhanka kalene Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo Raac oo arrintaas ka hadlay,ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan:- “Hanti Dhawruhu waa Hay’adda Qaran xaq ayuu u leeyahay inuu xafiiska kasta oo Dawladeed gallo,markaa wadda shaqaynta Qaranka in aanu qaar-na yell-no qaarna diid-naa  meesha kuma jirto oo wadda shaqayn qaran weeye waxay noogu yimaddaan,Hay’addaa madaxa bannaani waxay masuul ka  tahay hantida ummadda  meel kasta oo ay hanta ummaddeed gasho inay gasho oo ay soo caddayso xaq ayey u leedahay, markaa garan mayno waxaad halkaa ka yar uriseen.”ayuu yidhi Guddoomiye Riyo Raac

Geesta kalena xoggo uu wargeyska waaberi ka helay illo wareed-yo kale duwan ayaa sheegay in xubnaha uu hanti dhawrka guud uu u xulay inay baadhista ku sameeyaan guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ay isku beel yihiin Madaxweyne Biixi ,isla markaana ay afarta xubnood-ba ee baadhista loogu diray xarunta guddida doorashooyinka ay isku qoys hoose yihiin,waxaana lagu kale sheegay magacyadooda Mustafe Yuusuf Kaamil oo ah Guddoomiya koox-da uu hanti dhawrka baadhitsa ugu diray Xarunta guddida doorashooyinka iyo Fariyaad ay ilmo adeer yihiin,halka labada xubnood ee kale lagu kale oo caawiyayaal ah-na magacayooda lagu sheegay Xaaji iyo Xasan.

Si kastaba ha-ahaatee xubnaha afarta ah ee baadhista loogu diray xarunta guddida doorashooyinka Qaranka ayaa la sheegay inay dhammaan isku qoys ka soo jeedaan,isla markaana ay ehel iyo xigto yihiin Madaxweyne Biixi,taas oo sii xoojinaysa tuhunkii ahaa in qorsha hanta dhawrka lagu geliyey uu yahay qorshe siyaasadeed oo uu soo aflifay Madaxweyne Biixi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this