Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid Kamid Ah Ergooyinkii Ka Soo Qayb-galay Shir weynihii WADDANI Oo Markii Uu Laabtay Loo Taxaabay Xabsiga Gabiley Iyo WADDANI Oo Ka Hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay mid kamid ahaa ergooyinkii ka soo qayb-galay shir weyinihii labaad ee Xisbiga WADDANI ee dhawaan lagu soo afmeeray magaalada Hargeysa,kaas oo kamid ahaa ergooyinkii ka yimi Gobolka Gabiley,balse nasiib darro ayaa la  sheegay in markii uu hadda ku laabtay magaalada Gabiley loo taxaabay Xabsiga.

Ergay-gan ka soo qayb gallay shir weyiniihii labaad ee Xisbiga WADDANI ee lagu xidhay magaalada Gabiley markii uu ku laabtay,ayaa lagu sheegay magaciisa  Maxamed Cabdi Obolos,kaas oo xadhiga loo geystay lagu  xidhiidhinayo arrimo siyaasadeed iyo inuu ku lug leeyahay ka qayb-galkii uu ka qayb-galay shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI.

Dhanka kale Xoghayaha Ganacsiga iyo warshadaha ee xisbiga WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka hadlay xadhiga loo geystay xubintaa ka tirsan Xisbiga WADDANI,isla markaana kamid ahayd ergooyinkii ka qayb-galay shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI,waxaanu ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay xorriyadiisa ay dib ugu soo celiso muwaadinkaas.

Xoghayehe Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay facbuuga, kaas oo u dhignaa sidan:-“Maxamed Cabdi Obolos oo ka mid ahaa ergooyinkii Shirwaynaha 2aad ee Xisbiga Waddani ku meyelayey Gobolka Gabiley ayaa markii uu laabtay lagu xidhay magaaladda Gabiley. Xaddhigaa aad baanu u cambaaraynaynaa waxaanan ugu baaqaynaa xukuumada in xoriyadiisii u celiso..”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this