Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Maxkamadda ciidamada oo shaacisay natiijada baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Cabdullahi Buulle Kameey, oo ah Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey natiijo hordhac ah oo ku aadan baarista kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda NISA.

Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in Guddiga baarista oo ka kooban xeer ilaaliyaha guud, ku-xigeenkiisa iyo Sarkaal ka tirsan NISA ay marka hore go’aamiyeen in dib loo wareysto dhamaan dadkii cabashada ay ka taalay xafiiska.

Jeneraal Kameey waxa uu sheegay in hay’adda NISA ay la shaqeysay guddiga iyada oo ka caawisay dhinac kasta oo baarista ah, sida uu hadalka u dhigay. 

Waxa uu intaas ku daray in baaris lagu sameeyey Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ku-simaha Taliyaha NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Fareey iyo Cabdilaahi Kulane, oo horey uga tirsanaa hay’adda

Xubnaha la baaray ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah sarkaal lagu magacaabo Cabdiqani Wadna Qabad iyo sarkaalad magaceeda lagu sheegay Asma Yuusuf Cumar.

Jenraal Cabdullaahi Kameey ayaa sheegay in natiijadooda ay kasoo baxday:-

1- In NISA ay si hufan ula shaqeysay guddiga baarayey kiiska iyo xafiiska xeer-ilaalinta.
2- Inta baarista lagu guddi jiray guddi uma soo bixin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalad ku maqan tahay gacanta NISA.
3- Guddiga waxuu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay dileen Al-Shabaab.

Guddiga ayaa sheegay in kiiska lagu soo xiray in la codsaday in cid kastaa oo warbixin ka heysa ay lasoo xiriiraan haya’adaha dambi baarista.

The post DEG DEG: Maxkamadda ciidamada oo shaacisay natiijada baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this