Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil yar oo Bulshada Mareykanka kala qeybiyay+Denbiyadii loo haystay oo Daaqada laga tuuray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil yar oo Bulshada Mareykanka kala qeybiyay

Kyle Rittenhouse
Kyle Rittenhouse

Wiil yar oo kasoo jeedo Mareykanka ayaa laga beri yeelay dhammaan eedeymihii loo heystay oo la xiriiray labo nin oo uu toogtay, xilli ay dibadbaxyo ka socdeen gobolka Wisconsin.

Dadweynaha Mareykanka waxaa kala qeybiyay kiiska Kyle Rittenhouse, oo ay maxkamad daaqadda ka tuurtay dhamaan dacwadihii loo heystay, haddaba waa kuma Kyle Rittenhouse?

Kadib markii nin madow ahaa oo la oran jiray Jacob Blake, uu nin boolis ahaa ku toogtay degmada Kenosha, ee gobolka Wisconsin bishii Agoosto ee sanadkii 2020-ka, waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo laba maalmood socday.

Habeenkii saddexaad, wiilka 17 jirka ah, Kyle Rittenhouse, ayaa rasaas oodda uga qaaday saddex nin, waxaa uu dilay laba nin halka midka kalena uu si xun u dhaawacey.

Waxaa wiilkan xilligaasi lagu qabtay gurigooda oo ku yaalla degmada Antioch, ee gobolka Illinois. Maalin kadib waxaa lagu soo oogay dacwado kala duwan, sida in si ula kac ah uu dil u geystay, halka dhinaca kalena lagu soo oogay in si kama ah uu dil u geystay.

Muuqaallo xilliggaa la baahiyay waxay muujinayeen wiilka oo howlgal ka sameynayo waddooyinka xilli ay dibadbaxyada socdeen, wuxuu weriyeyaasha u sheegay in shaqadiisa ay tahay in uu ilaaliyo dhismooyinka iyo in uu dawo siiyo dibad baxayaasha.

Waa kuma wiilkan yar?

Kyle Rittenhouse, ka hor inta uusan waxbarashada iska dhaafin, wuxuu soo qaatay tababar ciidan isaga oo ka tirsanaa laanta dab damiska iyo booliiska.

Xogtiisa uu kusoo bandhigay akoonada uu ku leeyahay Baraha Bulshada, waxey muujinayaan inuu taageersan yahay ciidamada amniga.

Sawir uu soo dhigey barta uu ku leeyahay Facebook -ga, wuxuu ku xardhay calaamadda buluugga ah ee lagu taageerayey booliiska, xilliggii ay dibadbaxyada ka socdeen qeybo oo kala duwan oo dalka Mareykanka ah, ee loogga soo horjeeday dilka ninkii madowga ahaa Jacob Blake.

Qoraallo badan uu soo dhigay baraha bulshada wiilkani, waxaa la arkayay isaga oo ammaanayo booliiska dhintay, xilli ay ku gudo jireen waajibaadkooda shaqada.

Wuxuu sidoo kale soo dhigay Facebook-giisa isaga oo ku labisan dareeska ciidamada booliiska.

Kyle Rittenhouse

Wuxuu horey uga tirsanaa booliiska maxalliga ah, gaar ahaan wuxuu soo marey barnaamijka tababarka ciidanka, sida ay sheegtay waaxda booliiska Grayslake.

Wiilkan wuxuu aad u jecel yahay qoriga. Sawirro uu iska qaaday, ayaa la arkayey isaga oo sita hub xilli uu tijaabinayay, isla markaana kala furfuraya qori.

Markii uu waxbarashada isaga tegay, wuxuu qabtay shaqooyin uu kamid yahay waardiyenimo.

Maxaa dhacay habeenkaa?

Markii ay dhaceen dibadbaxyadii rabshadaha watay ee looga soo horjeeday dilka ninkii madowga ahaa, Jacob Blake, wuxuu wiilkan yar u safray magaalada, isaga oo soo qaatay qoryaha yar yar ee daraandooriga u dhaca , wuxuu sheegay inuu difaacayey hantida dadweynaha, sida laga soo xigtay wiilka.

Baabuur ayaa dab la qabadsiiyay xilli dibadbaxyada ay ka socdeen degmada Kenosha ee gobolka Wisconsin dalka Mareykanka
Baabuur ayaa dab la qabadsiiyay xilli dibadbaxyada ay ka socdeen degmada Kenosha ee gobolka Wisconsin dalka Mareykanka

Wareysi uu siiyay weriyeyaasha kahor toogashada, wuxuu ku hadlayey luqadda booliiska, “Waa shaqeyda in aan difaaco dadka”

Wuxuu habeenkaa kasoo muuqday muuqaallo dhowr ah, mar waxaa la arkayey isaga oo la hadlayey sarkaal booliis ah, oo markaa siiyey biyo.

Markii dambe waxaa la arkayay isaga oo ay eryanayeen dad, qof kamid ah dadkaas ayaa u muuqday in rasaas uu hawada u ridayay.

Mid kamid ah dacwadihii loo heystay wiilkan, ayaa waxaa kamid ahaa inuu heystay hub halis ah, isaga oo da’diisu ka yar tahay 18 sano, markii dambana dacwaddaas waala baabi’iyey, xilli ay qareenadiisa ku doodeen in sharciga gobolka uu u oggolaanayo qofka haddii uu ka yar yahay 18 sano, inuu qaadan karo hubka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this