Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20211120_210848249.jpg?resi

Agaasimihii Radio Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamed Guuleed (Afrika) ayaa goordhaweyd u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla degmada Shingaani ee gobolka Banaadir, waxaana wararku sheegayaan in uu ahaa mid uu fuliyay qof ismiidaamiyay.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay agaasimihii Telefishinka Qaranka Sharmaarke Maxamed Warsame oo la socday Cabdicasiis Afrika.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho. Weriye Cabdicasiis Afrika ayaa barnaamijyo dabbagal ah ka diyaarin jiray Al-shabaab, wuxuuna ka mid ahaa suxufiyiinta ugu firfircoon warbaahinta dowladda.

Dowladda ayaa weli faahfaahin ka bixin qaraxa dhimashada iyo dhaawaca sababay ee lala eegtay agaasimeyaal ka tirsan warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

PUNTLAND POST

The post Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this