Deeq A. Posted November 20, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadka dadka la il-daran abaaraha ka dhacay dalka. Guddiga ayaa ka kooban wasiirada wasaaradaha Gargaarka, Maaliyadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Beeraha, Warfaafinta iyo Biyaha. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah ee abaaraha la jira dalka, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la soo caawiyo dadka tabaalaysan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacowday abaaraha appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites