Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacowday abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadka dadka la il-daran abaaraha ka dhacay dalka.

Guddiga ayaa ka kooban wasiirada wasaaradaha Gargaarka, Maaliyadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Beeraha, Warfaafinta iyo Biyaha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah ee abaaraha la jira dalka, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la soo caawiyo dadka tabaalaysan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacowday abaaraha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this