Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada dowlada lana fasaxay muda Todobaad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2022.

Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo ka kooban $354,093,039, islamarkaana ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 45 mudane ayaa 44 kamid ah u codeeyeen ansixinta Miisaaniyadda, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Sidoo kale, Baarlamanka ayaa loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay mudda todobaad ah, si ay u soo akhriyaan.

Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in Fadhiga xiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada dowlada lana fasaxay muda Todobaad ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this