Deeq A. Posted November 20, 2021 Shirka Todobaadlaha ah ee amniga Gobolka Bari ayaa maanta ka qabsoomay xarunta maamulka Gobolka Bari. Waxa looga hadlay Todobaadkan shirka xaaladda guud ee amniga, ka war qabka xogta cadowga iyo la dagaalkan kooxaha nabadiidka ah ee shabaab iyo Daacish, isbarasho iyo is xog-wareysi Taliyaha qeybta G/sare Cabdiqaadir jaaamac Dirrir Iyo Maaamulka Gobolka Iyo saraakiisha Booliska Gobolka. Shirka ayaa waxa Todobaadkan ka soo qeyn galay Taliyaha ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha hooganka isgaarsiinta iyo bariista dabiyada, Maxkamdaha darajada 1aad iyo racfaanka, Maxkamada danbiyada culus, xeer ilaalasha labada maxkamadood, taliyeyaasha laamaha tubatariyada, CID iyo taraafikada taliyaasha hay’adaha PMPF Iyo PSF, iyo saraakiisha laamaha amaanka Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Shirka Amniga Gobolka Bari oo lagu qabtay Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites